Madaxtooyada Oo Diiday Shaacinta Weftiga Imaaraadka

0
1,173 views
Madaxtooyada Oo Diiday Shaacinta Weftiga Imaaraadka

Madaxtooyada Oo Diiday Shaacinta Weftiga Imaaraadka

Madaxtooyada Somaliland ayaa Galinkii dambe ee maanta soo saartay warsaxaafadeed lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda dawladda Imaaraadka oo 12 xubnood ah.

Madaxtooyada loogama baran in ay qariso sawirrada wufuudda madaxweyne Biixi qaabilayo laakiin, weftigan ayaan wax muuqaal ama sawirro ah laga soo baahin. Sidoo kale lama sheegin xilalka ay ka hayaan dawladda Imaaraadka Carabta waxaana kaliya la sheegay in ay ahaayeen 12 xubnood.

“Waanu Ka Xumaanay Hadalkii Wasiirru-dawlahayaga,” Imaaraadka

Idaacadda BBC-da oo afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac waydiisay in uu tafaasiil ka bixiyo darajooyinka weftiga Imaaraadku wuxuu diiday in uu wax faahfaahin ah oo ka baxsan qoraalka uu soo saaray sheego.

Baraha bulshada ayaa laga dareemaya dadka oo is waydiinaya sababta xukumaddu u qarisay weftiga reer Imaaraad iyada oo dadka qaarkii su’aal galinayaan in aanay weftiba iman.

Weftigan ayay madaxtooyadu sheegtay in ay sideen farriin ah in dawladda Imaaraadku ka xun tahay hadalka wasiirru-dawlahooda arrimaha dibadda Anwar Maxamed Qarqaash oo sheegay in aanay dawladda Imaaraadku wax xidhiidh ah la lahayn Somaliland.

Hadalka wasiirru-dawluhu wuxuu xukumadda madaxweyne Biixi ku kiciyay dufaanno mucaaradad ah oo la yaaban xidhiidhkii xukumaddu sheegi jirtay oo dhalanteed u muuqda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Biixi ku eedeeyay khiyaayinul wadanimo laakiin, xukumadda jirta iyo wasiirradii Siilaanyo ayaa maalmihii u dambeeyay iska difaacayay arrintaas.

“Anagu Somaliland Wax Xidhiidh Ah Lama Lihin,” Imaaraadka

Sayruuqnews/faallo

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.