Madaxtooyada & Baarlamaanka Somaliland Oo La Rarayo

0
933 views
Madaxtooyada & Baarlamaanka Somaliland Oo La Rarayo

Madaxtooyada & Baarlamaanka Somaliland Oo La Rarayo
Hargeysa(Sayruuq) Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo xog warran siinayay guddi hoosaad ka tirsan golaha Guurtida ayaa sheegay in madaxweyne Biixi amray in xarumaha madaxtooyada iyo labada gole baarlamaan laga raro magaalada badhtankeeda lana geeyo meelo kooneyaasha ah.

Qorshaha madaxweyne Biixi ayaa ah in madaxtooyada laga dhiso galbeedka magaalada Hargeysa, xarunta Guurtidana laga dhigo koonfurta Hargeysa halka xarunta wakiillada laga dhigayo bariga magaalada Hargeysa. Mr Soltelco waxa uu sheegay in dawladda hoose door ka qaadanayso dhismaha madaxtooyada oo socda.

“Dhismaha cusub ee loo dhisayo madaxtooyada oo anaga wixii gaadiid ah(nalaga rabo) wixii kalena ay ciidanka Qaranku dhisayeen; waxaanu diyaarinay oo aanu habaynay si magaalada kooneyaasheeda loo kala geeyo, golihiina guurtidu waxay yeelanayaan dhul koonfurta Hargeysa ah, sidii madaxweynuhu na soo amray bariga magaaladana in laga dhigo xarunta baarlamaanka(Wakiillada) si saddexda gole, madaxtooyada oo meel ah, guurtida oo meel ah iyo wakiillada oo meel ah loogu sameeyo taasna waanu u diyaarinay dhulkii la dejinayay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Soltelco.

Maayarka caasimaddu waxa uu sheegay in dhismaha madaxtooyada cusub socdo laakiin, xarumaha baarlamaanka la diyaariyay meelihii laga dhisi lahaa mana jirto tafaasiil xukumaddu ka bixisay sababta xarumaha dawladda looga rarayo halka ay hadda ku yaallaan. Madaxtooyada iyo labada aqal baarlamaan ayaa hadda iska soo horjeeda.

Halkan ka daawo warbixinta Maayar Soltelco

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.