Madaxda Afrika Oo Qalinka Ku Duugay Suuqa Xorta Ah

0
395 views
Madaxda Afrika Oo Qalinka Ku Duugay Suuqa Xorta Ah

Madaxda Afrika Oo Qalinka Ku Duugay Suuqa Xorta Ah

Hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa maanta saxeexay suuqa aagga xorta ah ee ganacsiga oo ay yeelan doonto qaaraddu. Waxa la rajaynaya in suuqa xorta ah uu kobciyo xidhiidhka gudaha ee Qaraadda Afrika.

Madaxda Afrika ayaa heshiiska lagu aasaasayo suuqa African Continental Free Trade Area (AfCFTA) ku saxeexay caasimadda Rwanda ee Kigali. AFCFRA waa mudnaanta koowaad ee ajandaha Midawga Afrika ee sanadka 2063. Waxaana la rumaysan yahay in hiigsigaasi horumar badan gaadhsiin doono qaaradda Afrika.

Heshiiskan ganacsi waxa loogu talo galay in uu kobciyo dhaqaalaha Afrika, saacido hannaanka warshadaha, taageero horumarka kaabeyaasha isu socodka iyo in uu taageero horumarinta kala duwanaanshaha ganacsiga qaaradda.

Heshiiskan ayaa la doonaya in alaabooyinka qaaradda isaga gooshaya cashuurta laga dhaafo 90%, iyada oo wixii xasaasi ahna dib laga eegi doono 10%-ka. Waxa la filaya in caqabadaha cashuuraha la fududeeyo lana sahlo isu socodka si looga baxo alaabooyinku in ay ku habsaaman ka gudubka xuduudaha.

Afrika ayaa wadda in ay fududayso isu socodka dadyowga Afrika iyada oo ay xata suuro gal tahay in qaaraddu yeelato lacag kaliya oo ka dhexeysa.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here