Home Articles Maayorka Saaxil Tolkii Ayaa Soo Doortaye Ucid Cod Muu Siin

Maayorka Saaxil Tolkii Ayaa Soo Doortaye Ucid Cod Muu Siin

4 min read
0
0
682

waxaanay u muuqataa hadii inta ay goori goor tahay hadaan la bedelin nimankaa Biidhi qaatayaasha ah ee komishanka loogu

Waxaa beryahaan dambe Somaliland ku soo badanaaya muranka xildhibanaada xisbi ka baxaaya

Ee xisbi kale gelaaya,murankaasi oo sabab uu u yahay komishinka doorashooyinka oo noqday fadhiid

Kana gaabiyey shaqadiisii isagoo u muuqda inuu noqday kominshinkii niman dantii loo igmaday iyo

Garsoorkii umada ay u hayeen ku bedeshay lacag yar oo fara guudkood ah oo laaluusha.

Waxaa intaasi ka sii baqdin badan werwer badina ka jiraa sida ay hadhow ugu garsoori doonaan xisbiyada

Marka muran yimaado,waxaanay u muuqataa hadii inta ay goori goor tahay hadaan la bedelin nimankaa

Biidhi qaatayaasha ah ee komishanka loogu yeedho in hadhaw farta dhexda laga qaniin doono dalkana

Ay u horseedi doonaan muran iyo dhiig daata,

Tusaale ahaan waxaan u soo qaadanayaa arintii xisbiga u cid dhexdiisa iyo sidii komishanku u burburiyeen

sharcigii dalka u yaaley iyo sidii ay ula safteen dhinac ka mida dhinacyadii is hayey,

Waxaan kaloo soo qaadan karnaa sidii ay ugu fashilmeen komishanku anshax marintii xisbiyadu ka galeen

Umada ay codka ka doonayaan.

Waxaan kaloo soo qaadan karnaa sidii ay ugu fashilmeen komishanku mudo kordimihii loo sameeyey xukuumada.

Waxaa iska cad oo muran aanu ku jirin in komishanku amarada ka soo qaato xukuumada ka dib fashilaadii kaga

Timid aafadii qaaran ee abaaraaha ee ay yidhaahdeen doorasho aanu abanaynaa oo gabiiley iyo hargeysa abaari ma hayso.

Sidaa awgeed ma abo komishankani inay wadi karaan masuuliyada loo xilsaaray ee waa in la bedelaa intaynu

Wakhtiga haysano oo hadhaw aynaan is canaanan markay dalka qas geliyaan.

Maayarka berbera tolkii ayaa soo doortaye reero kalena cod may siin,Ucidna cod umay soo iibin,hargeysana muu ka

soo bixin,cidina kama qaadi karto hadii golayaasha deegaanka aan lawada xidhayn oo la baabi’inayn.

Hadii taasi dhacdo waa in kuwa baarlamaanka ee xisbiyada kale galayna lawada bedelaa oo la wada eryaa

Kulmiye,Ucid ama wadani ha ahaadeene.

GUDOOMIYE AAR QAADI JAAMAC.

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Denmark Oo Doorashada Madaxtooyada Ku Tilmaantay Tijaabo Lagu Eegayo Horumarka Somaliland Ee Dimuqraadiyadda

Hargeysa(Sayruuq)-Dawladda Denmark oo ka mid ah dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed…