“Maayarku Wuu Diiday Waxgaradka M.Haybe.”

0
847 views
“Maayarku Wuu Diiday Waxgaradka M.Haybe.”

“Maayarku Wuu Diiday Waxgaradka M.Haybe.”
Xildhibaan Khadar Qayla-weyne oo golaha degaanka Hargeysa u qaabilsan degmooyinka Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe ayaa xaqiijiyay in maayarka Hargeysa diiday wax la qabashada guddida dhawaan ku dhawaaqay maamul labadooda degmo yeelanayo. Waxa uu sheegay in laba maalmood ka hor markii ay ku dhawaaqeen maamulka cusub ay ula yimaaddeen cabasho ku saabsan in maayarku diiday arrin ay ula tageen oo ku saabsan waddada ay dhismaheeda ku hawlan yihiin.

Xildhibaanku waxa uu sharci darro ku tilmaamay in arrinta ay kaga falceliyeen cabashada ay maayarka ka qabaan tahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali Karin iyaga oo xayndaabka dawladnimada ka baxay .

Xildhibaanka oo shalay saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi “Aniga Wakiilkii labada degmo ah(Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe) ninka caaqilka ah ee guddoomiyaha waddada(Digaale ah) iyo guddidiisu aniga way ii yimaaddeen laba cisho ka hor waxay igu yidhaahdeen ‘Xildhibaan Maayarkii waddadii Digaale ayaanu kala hadalnay dabadeed maayarkii wuu na soo diiday.”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.