Maayarka iyo Xildhibaannada Caynaba Oo Eedo U Jeediyay Wasiirro Kuna Hanjabay In Ay Ka Hulleelayaan Xisbiga Kulmiye

0
62 views

Caynaba(Sayruuq) Maayarka magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar oo ay weheliyaan 7 ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka oo tiradoodu tahay 13 ayaa farriin adag u diray musharraxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kadib markii khilaaf adag soo kala dhexgalay maayar xigeenka degmada Caynaba iyo maayarka.
Maayarka iyo mudaneyaasha shirka jaraa’id ku qabtay xaruntooda Caynaba waxay sheegeen in maayar xigeenka degmada iyo xildhibaan kale oo loo xidhay budad ay la dhaceen maayarka la siiyay. Ammarka sii daynta waxay la xidhiidhiyeen wasiirrada degaanka ka soo jeeda ee xukumadda waxaanay sheegeen in ay sidaas awgeed uga hulleelayaan xisbiga Kulmiye oo laha aqlabiyadda mudaneyaasha Caynaba.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here