Maayarka Berbera Oo U Jawaabay Maayarka Burco

0
552 views
Maayarka Berbera Oo U Jawaabay Maayarka Burco

Maayarka Berbera Oo U Jawaabay Maayarka Burco
Berbera(Sayruuq) Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin ayaa u jawaabay maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad. Waxa uu ku eedeeyay in uu yahay maayar dadkiisa u adeegi waayay kana urursan kari waayay cashuuraha. Eedaha labada maayar ayaa salka ku haya arrimo la xidhiidha cashuuraha.

Maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa dhawr goor sheegay in xeerka cashuuraha oo la sameeyay xilligii Madaxweyne Cigaal dhaqaalaha dalka u loogay Berbera iyo qaybo ka mid ah Hargeysa. Waxa uu sheegay in Burco oo ah salaydda ugu weyn cashuurteeda ay qaadato magaalada Berbera, islamarkaana cashuurtii dawladda hoose ee Burco qaadan lahayd la siiyo dawladda hoose ee Berbera. Maayarka oo eedihiisa sii balaadhiyay waxa uu sheegay in gobollada Barigu yihiin kuwo dulman.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin oo eedahaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Berbera nasiib u heshay waxyaabo aanay gobollada kale helin “Waxaan leeyahay dadka reer Berbera waxaad nasiib u hesheen waxaanay gobollada kale nasiib u helin,” Sidaas ayuu yidhi Maayar Ciddin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan bulshada u bayaamiyo dhiggaygu waxay ka dhigtaan Berbera lacag badan, Berbera haddii maayarkeedu cashuurtii la soo baxay dee fadlan maayar dhiggaygaad tahee la soo bax oo ha odhanin waad iga lacag badan tahay. Caasimaddii labaad ee dalka cabanaysa oo leh ‘lacag la’aan baa na haysa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ciddin.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxa ka dhisan ugu yaraan 1500 oo guri oo cashuur laga qaadayo. Guriga waxaad u taqaanan bangalo maaha bangalada ee waxa weeye dabakaayada, waxa weeye cariishka, sandaqada, dhammaan dadka halkaas ku nooli waa cashuur bixiye cid cashuurta ka qaada ayay la yihiin oo adeegyada u qabata.”

Waxa uu maayar Muraad ku eedeeyay in aanu dadkiisa cashuurta ka ururin una qaban adeeg “Anagu intaanu cashuurtii dadka ka qaadnay ayaanu adeeggiina ugu qabanay. Waxaanu leenahay fadlan dee u shaqee umadda waa laguu doortaye oo ha eegan ka umadda u shaqaynaya.”

Dhawaan siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa xukumadda ku eedeeyay nidaam xumo. Waxa uu sheegay in maayar Muraad oo xukumadda ka tirsan si xun ula hadlay xukumadda, islamarkaana aan tallaabo laga qaadin.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.