Maayar Xigeenka Hargeysa Oo Ka Jawaabay Luuqaddiisa Ingiriisida Oo La Dhalliilay

0
1,551 views
Maayar Xigeenka Hargeysa Oo Ka Jawaabay Luuqaddiisa Ingiriisida Oo La Dhalliilay

Maayar Xigeenka Hargeysa Oo Ka Jawaabay Luuqaddiisa Ingiriisida Oo La Dhalliilay

Maayar Xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa aglagaado ku sheegay dhalliilo baraha bulshada loogu jeediyay aqoontiisa luuqadda Ingiriisada. Bar Twitter oo uu ku qoran yahay magaca maayar xigeenka laguna baahiyo hawl qabadkiisa ayay bulshadu ka soo qaaday sawirka Cagaweyne iyo madaxweynaha oo lagu dul qoray luuqad jajaban oo Ingiriisi ah.

Image may contain: 1 person, smiling, text

Bulshada ayaa duraysay aqoonta masuulkan iyaga oo la yaaban in madaxda Somaliland sidaas ka tahay aqoonta, islamarkaana qaarkood maadays ka dhigteen Post-ga loo arko in Maayar xigeenku soo dhigay.

Kuxigeenka duqa caasimadda Hargeysa oo u muuqda in uu arrimahaasi xammili waayay ayaa boggiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu qosol ka horaysiiyay kuna sheegay in aanu lahayn boggan lagu qoray luuqadda laaxinku ku jiro

Sayruuqnews ma caddayn karto in aanu maayar xigeenku lahayn bogga Twitter-ka ee lagu baahiyay qoraalkan laakiin, boggan oo la aasaasay bilawgii 2018 waxa ku taxan hawl qabadka Maayar xigeenka oo lagu baahin jiray iyada oo luuqadda Soomaaliga lagu qori jiray waxaana hadda laga masaxay Post-ga dhalliishu ka dhalatay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here