Maayar Soltelco Oo U Jawaabay Reer Axmed Dhagax

0
1,051 views
Maayar Soltelco Oo U Jawaabay Reer Axmed Dhagax

Maayar Soltelco Oo U Jawaabay Reer Axmed Dhagax
Hargeysa(Sayruuq) Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa dalbaday in hay’adaha ammaanku baadhaan sheekh Mubaarik oo reer Axmed Dhagax ah. Sheekha ayaa ka mid ahaa waxgarad shalay warbaahinta u bandhigay waddooyin Jay, Sibidh iyo dhagax ka samaysan oo dadku si iskood ah u dhisteen.

Sheekh Mubaarig oo dadka saxaafadda ka hadlay ka mid ahaa waxa uu sheegay in saddex waddo oo isbarbar socda oo midkiiba tahay Kolomitir badhkii bulshadu ku dhisatay iskaa wax u qabso markii ay dawladda hoose waxba u qaban wayday si ay u helaan meel gaadiidka biyaha u sida u maro. Waxa uu sheegay in dadkaasi cashuur bixiyeyaasha ahaa lacag badan galiyeen waddooyinkan sidaas awgeedna ay tahay in aanay dawladda Hoose ilaa shan sanno cashuur waydiin..Halkan ka daawo Warka waxgaradka Axmed Dhagax.

Maayar Soltelco ayaa sheekh Mubaarig iyo ciidamo Militari ah oo dhawaan dawladda hoose in ay dhul ku haysato sheegay si adag u maagay. Waxa uu saraakiisha iyo askarta ku eedeeyay in ay ahaayeen shakhsiyaad dano gaar ah leh.
“Xalay waxa warbaahinta ka baxay sheekh cidda uu u shaqaynayo hay’addaha ammaanku baadhi doonaan oo yidhi ‘xaafadda Faarax Nuur 5 sannadood dawladda hoose ma soo gali karto. Adeer way ka kortay magaaladu xilligii sheekh inta uu meel ka hadlo odhanayay ‘xaafadda aniga maamula’,” Sidaas ayuu yidhi Maayarku.

Maayarku wuxuu sheegay in dawladda hoose waddo in 60% dawladda hoose cashuurta dadweynaha ka bixiso dadweynuhuna bixiyo 40% “ Dhici mayso in inta sheekh soo qaado ciid aan jayna lahayn garaa’idna lahayn oo muddo yar ku baabi’i doona uu yidha tan ayaa ka jaban oo caynkaa iyo caynkaa xaafadda dawladda hoose ma soo geli karto, dadka ilaalada ahi ma soo gali karaan, adeer waanu naqaana dadka waxaas ka shaqeeya, waxaanu leenahay hay’addaha ammaanku waa in ay sheekh Mubaarig daba galaan halka uu u shaqeeyo, qofka caynkaas oo kale ah waa tallaabooyinkii aanu garanaynay meesha ay ku daba leeyihiin,” Sidaas ayuu yidhi mr Soltelco

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.