Maayar Soltelco Oo Dhaqan Xumo Ku Eedeeyay Reer Hargeysa

0
501 views
Maayar Soltelco Oo Xaqiijiyay In Madaxtooyada La Rarayo

Maayar Soltelco Oo Dhaqan Xumo Ku Eedeeyay Reer Hargeysa

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco ayaa sheegaya in uu jiro dhaqan xun oo ku soo kordhay reer Hargeysa kaas oo ah in qoysasku qashinka ku haystaan guryahooda kadibna soo raaciyaan dadka marka roobku da’o. waxa uu ku dooday in aanay waxba ka qaban Karin maamul ahaan xashiishka faraha badan ee daadku soo saaro xilliyada roobku helo caasimadda oo khadyaan laga joogo daadad khashin sida oo suuqa ku soo wada rogmada.

Maayarka oo u warramayay Idaacadda VOA ayaa u muuqda mid fashilaadda maamulkiisa ku soo wada riixay bulshada waxaanu ku dooday in ay laagaha biyuhu maraan yihiin kuwo dadku sameeyay laakiin waxa jirta in aanay caasimaddu lahayn iliilado nidaamsan oo biyuhu maraan xilliga roobka waxaana dhacda in jidadka iyo laago faro badan noqdaan durduro biyuhu rogmanayaan oo magaalada kala xidha.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.