Maayar Ciddin & Musharraxii Hore Ee UCID Oo Dhul Isku Qabsaday

0
652 views
Maayar Ciddin & Musharraxii Hore Ee UCID Oo Dhul Isku Qabsaday

Maayar Ciddin & Musharraxii Hore Ee UCID Oo Dhul Isku Qabsaday

Hargeysa(Sayruuq):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa xaliyey muran iyo is-fahamwaa muddo soo jiitamaayey oo soo kala dhex-galay Maayirka Berbera Md.Cabdishakuur Cidin iyo Murashaxii hore ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,  kuwaasi oo isku qabsadey dhul Istiraatejik ah oo magaciisa la yidhaahdo Taar-dheer kuna yaala

gudaha magaalada Berbera isla mar ahaantaana hore loo siiyey Jamaal Cali Xuseen.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wargeyska Waaberi, ayaa sheegaya in Maayirka Berbera uu damac ka galay dhulkaas oo ah dhul Isteraatejik ah oo aad u ballaadhan isla mar ahaantaana Maayirku isku dayey in uu qaato qeyb ka mid ah dhulkaasi balse uu arrintaasi ka soo horjeestay Jamaal Cali Xuseen.

Maayir Cabdishakuur Cidin, ayaa intaas ka dib waxa uu dhulkaas geliyey Caga-cagaf isla mar ahantaana uu isku dayey in uu ka saaro Sarfeey waddo ah si dhulkaas loogga jaro dhul dan guud ah isla mar ahaantaana uu gacantiisa u soo galo. Waxaana hadda dhulkaas laga arkayaa deyrka hore ee dhulka oo ay burburisay Caga-cagaf uu geliyey Maayirku.

Muran badan iyo qeylo ka dib, Madaxweynaha Somaliland oo tan iyo markii loo doortay talada dalka si aada looggu amaano soo afjaridda murannada iyo khilaafaadka madaxda dawladdiisa iyo kuwa Xisbigiisa ba, ayaa labada dhinac ba ku qaabilay xafiiskiisa isla mar ahaantaana ka codsadey in ay u dhega nuglaadaan dhex-dhexaadintiisa, waxaana ay wararku tilmaamayaan in Madaxweynahu uu Cabdishakuur Cidin ka codsadey in dhulkaas loo daayo Jamaal Cali Xuseen.

Dhulkan oo ah dhul aad u ballaadhan isla mar ahaantaana caan ka ah gudaha magaalada Berbera, ayaa ay wararku sheegeen in Jamaal Cali Xuseen la siiyey wakhtigii uu ku soo biiray Xisbiga KULMIYE ee ka hor doorashaddii Madaxtooyada Somaliland.

Hadda ba, ma dhabbaa in Madaxweynaha qaranka Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi uu ku tun-tuunsadey sida oo kale na uu xaliyey murankaa dhulleed ee u dhaxeeyey Maayir Ciddin iyo Murashaxii hore ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.