Maayar Ballan Qaaday In Ay Joojinayaan Iibinta Waddooyinka

0
39 views

Maayar Ballan Qaaday In Ay Joojinayaan Iibinta Waddooyinka

Wajaale(Sayruuq) Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi ayaa si lama filaan ah u sheegay in ay joojinayaan iibinta waddoonka taas oo marag ka noqotay in ay hore u iibin jireen jidadka magaalada. Waxa uu sheegay in cid kasta oo Waddo dhisata kadibna dawladda hoose laaluushta la kulmayso tallaabo laga qaado. Hadalkan guddoomiyaha ayaa yimid xilli wasiirka hawlaha guud bookhasho ku tagay Wajaale oo dhawaan dab qabsaday goobo ganacsi, islamarkaana ay ka jirto cabasho ku saabsan waddooyin cidhiidhi ah.

““Wafti Wasiirro ah iyo Injineero hawlaha guud ah ayaa yimid, ujeedada Culeyskaa faraha badan leh ee ay u yimaadeen waxa weeyaan, dhibaatadda Town-Plan-ka ee ka taagan Degmada Wajaale,sida aynu ognahey waa tii barigii dhaweyd dhibaatadu ka dhacdey dabka,  Dadweyne,fara badan ayaa anagga nagu eedaynayey in aanu Wadooyinkii iibiney, Haddaanu iibiney imika Wixii ka dambeeya Waddo dambe haddaanu taabano arinkayagu waa Xadhig”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashu Muxumed Cabdi.

Waxa uu digniin u diray dadweynaha “Dadweynahana waxaan  u sheegaynaa ninkii wado Dambe dhista,ee Dawladda hoose laaluush siiya isaguna waa Xadhig”Ayuu yidhi.

Barmaamijka Guuguulaha ee wargeyska Geeska Afrika oo arrintan lagu soo qaatay ayaa lagu codsaday in la helo maayarro kale oo hadda kadib joojiya iibinta Waddooyinka.

“Duqii Wajaale haystay waxa uu sheegay in waddooyinkii ay iibin jireen ay iska daynayaan, oo ninkii waddo dambe iibiyaa xadhig yahay. Tolow warkaasi ma gaadhay kuwa magaalooyinka waaweyn maayarrada ka ah.Waar waxaynu saaka u baahannay duq liibanay oo soo labeeya ninkaas odayga ah, oo isaguna caddeeya in uu iska deynayo dhul cunka iyo waddo iibsiga,” Guuguulaha Geeska Afrika

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.