Maamul Goboleedyada Somalia Oo Soo Saaray Qodob Ka Dhan Ah Somaliland

0
1,161 views
Maamullada Somalia Oo Qaaday Tallaabo Ka Dhan Ah Somaliland

Maamul Goboleedyada Somalia Oo Soo Saaray Qodob Ka Dhan Ah Somaliland

Hargeysa(Sayruuq) Warmurtiyeed laga soo saaray shirka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Baydhabo ayaa si badheedh ah loogu taageeray maamulka Puntland, islamarkaana lagu sheegay in gobolka Sool ee Somaliland ka tirsan yahay Puntland.

Golaha ayaa la sheegay in uu ka walaacsan yahay dagaalka shalay ka dhacay degaannada Tukaraq oo maamulka Puntland ku daandaansaday Somaliland, islamarkaana dagaal xooggan halkaasi ka dhacay . waxay ku doodeen in Somaliland weerartay Puntland

“Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay dagaalka ka soo cusboonaadey Tukaraq oo ka mid ah degaamada Puntland oo ay May 15-keedii ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen waxaana Goluhu ku baaqayaa in si degdeg ah dagaalkaas loo joojiyo,” Sidaas ayaa lagu yidhi mid ka mid ah qodobada ugu horeeya warmurtiyeedka.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdwali Maxamed Gaas ayaa guddoomiye u ah golaha maamul goboleedada Soomaaliya waxaanu u muuqda warsaxaafadeedku shaadh uu is leekaysiiyay. Waxa xukumadda Muqdisho lagu dhalliilay in aanay taageero siin ciidamada maamullada.

Waxa kale oo madaxda maamul goboleedadu dhalliileen mawqifka Xukumadda Muqdisho kula safan tahay Qadar waxaanay ugu baaqeen in ay dhakhso u wanaajiso xidhiidhka Sucuudiga iyo Imaaraadka haddii kale ay saamayn ganacsi iyo siyaasadeed ku yeelan doonto.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.