” Maammaday Malyuun Suubbaney, waan ku mahadshaaye”

0
302 views

” Maammaday Malyuun Suubbaney, waan ku mahadshaaye”

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Jaamac Warsame ayaa doonay in uu Maama Malyuun Suubban (MMS) uga mahad-celiyo murtidii, maahmaahdii iyo miiddii ay bartay, ee uu ku ganay xisbiga WADDANI. Wuxuu sheegay in aanu lahayn awood uu ku qabto shir jaraaid, ka hor intii aanay wax barin MMS oo uu ammaan kala dul dhacay.

Inta ay cabbaar garan weyday, ayuu isu sheegay. Waxa ay tidhi “Ma adiga oo xigan kara suugaantii Xaaji Aadan (Af-Qallooc), Yawle, Qaasin, Hadraawi iyo rag kale ayay macallin kuu noqotay islaantaydan masayrsani?”. Waxay raacisay “meesha kaar baan ku daweeyaa, duruus kuma hayo”. Waxa muuqata in aanay MMS ka xishoon Af-hayeenka.

Bal akhri sheekadan ay mudanaha iyo marwadu isku dhaafsadeen tixdan kala maanka ah:

Marxabbaynta kiiyoo salaan, maansha tebinaaya
Wuxuu yidhi “adaa dumar u mudan, waana loo marage”
Maammaday Malyuun Suubbaney, waan ku mahadshaaye
Muddo dheer walaw aan qasriga, joogay minankiisa
Waan maagi jiray oo shir qudha, maalin maan qabanne
Murtidaada goortaan dhigtuu, maanku ii degaye
Kolkaad macallin, maahmaahda iyo miidda igu soortay

Muuqaalka LIVE-kaa xigmado, laga macaashaaye
Malabkiyo duruustiyo kolkaad, maaxda nagu deeqday
Macnuu yeeshay hadalkaygi oo, wuu mug weyn yaale
Misaaylkaagi goortaan ku riday, reer WADDANI maandhe
Giddigood masayrkii ku dhacay, midabki doorsoonye
Malyuunnadu ma gooyeen intaan, meeris kaa helaye
Maamuuska ruuxii geyaa, lagu milgeeyaaye
Magacaa ha jiro Qaaliyey, biisay madawgiiye

Waxay tidhi “ muraaqood yarkow, waad mutuhisaaye
Mucda iyo tiraabtaad waddaa, way maldahan yiine
Madawgaaga iyo waan arkaa, muuqa guudnimo’e
Halkaad igala miistiyo ma garan, mahad-naqaagaase
Bal micnee qofkaad tahay anigu, waan ku moogahaye”

Wuxuu yidhi “Kolkii madaxa qaran, Muuse lagu doortay
Magacabiistiisii ragguu, meel-marshaan ahaye
Af-hayeenka madaxtooyadiyo, maamulkaan ahaye
Maxamuud Warsame Jaamac iyo, miigganaan ahaye
Malyuunnaa yaqaan kaalintiyo, meeqamkaan geyo’e
Midhihii ad beertaan ahiyo, muunad waafiya’e
Marraa-waaxid kaan ahay mar hore, waad maqli lahayde
Wax mashquul naftaadii ka dhigaye, Miimka aad dhigiye

Xigmaddaada miisaanka weyn, mahadhadeediina
Bah mucaarid goortaan ku idhi, “maw” dar baa yidhiye
Madfacaagu ruuxuu ku dhacay, waa mur kii dhama’e
Mawd kama sokeeyaan kolkaan, miidhay ereygiiye
Madoobaha yar ee shalay hadlee, muuqday waad garanne
Mirir daawo wixii aan lahaa, waad mafsuud noqonne”

Waxay tidhi “magaanyahaw warkani, meel-dhac wuu yahaye
Maaweelo weeyaan warkaan, LIVE-ka mariyaaye
Kolkuu iga muraadsaday nin ragi, moolna igu tuuray
Murugada naftaa lagu tiraa, muranka qaarkiiye
Qof masayr halkaa keenay iyo, maafiyaan ahaye
Xaaji Aadan miidduu ka tegay, meerisyadi Yawle
Hal-muceedyadii Qaasin baa, kow mudnaan gale’e
Midhihii Hadraawiyo haddaad, Sugulle maydhaanto
Malyuun xigashadeeduna yarkow, waa madhnaan kale’e

Nin malcaamad aan dhiganninow, meydhay sharaftiiye
Tolow wadhida yaa kaa masixi, xoortay maradiiye
Intaad dahabki madaluufisaad, maarta gurataaye
Magac-xumana waa faral haddaan, model kuu ahaye
Haygu meerin, magacayda daa, waa maqiiq taniye”
Siciid Gaheyr

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.