“Maalgashadeyaashu Ha Ka Taxadaaran La Macaamilka Jabuuti,”Dp World

0
490 views
“Maalgashadeyaashu Ha Ka Taxadaaran La Macaamilka Jabuuti,”Dp World
Sawir Hore

“Maalgashadeyaashu Ha Ka Taxadaaran La Macaamilka Jabuuti,”Dp World
Dubai(Sayruuq) Shirkadda DP World ee dawladda Imaaraadku leedahay ayaa si kulul uga jawaabtay wareegto madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Axaddii si buuxda dawladdiisa ugu wareejiyay maamulka dekedda Doorale. Shirkadda ayaa shalay sheegtay in la wareegidda dekeddu tahay mid dawladda Jabuuti ku deedafaynayso go’aan ay soo saartay Maxkamad ku taalla Ingiriiska oo amartay in aanay Jabuuti xaq u lahayn in ay Dp World ka qaado saamiga 33% ah ee ay ku lahayd dekedda.

Dawladda Jabuuti iyo shirkadda Dp World ayaa sanadkii 2006 wada gaadhay heshiis shirkaddu ku horumarinayso dekedda oo wakhti dheer soconaya laakiin, muran soo kala dhex galay awgeed ayay dawladda Jabuuti si xoog ah uga erday dekedda shirkadda. Xidhiidhka Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa xumaaday waxaana socda dadaallo Imaaraadku culays ku saarayo waddanka Jabuuti oo ku sugtay in uu gadoon ka galo Geeska Afrika.

Shirkadda DP World waxay sheegtay in ay sii wadayso dhammaan marinnada sharci ee ay ku difaacan karto xaqa ay u leedahay saamiga ay ku lahayd dekedda Jabuuti “Maalgashadeyaasha guud ahaan dunida waa in ay ka taxadaraan maalgashiga Jabuuti, dibna u qiimeeyaan heshiis kasta oo ay la galayaan dawlad aan tixgelin heshiisyada sharciga ah,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka shirkadda DP World.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.