Ma innaga Dulminay Qabyaaladda Mise Iyadaa ina Dulmiday?!!! Prof Cabdi Cali

0
131

Waa maax iga soo maaxatay markaan in badan dadkayga eegayay una dhabogalay. Midkasta oo innaga mid ahi, gaar ahaan siyaasiyiinta, intuu qabyaaladda isticamaalo oo waxy u goyso jeebka danbe ku rito ayuun haddana ku eedaynayaa dadkii kale ama xisbigii kale inuu qabyaalad isticmaalayo. Intuu hadh iyo habeen ka shaqeeyo sidu xulafo reereed u heli lahaa ayuu haddan ku eedaynayaa dhinacii kale is bahaysi qabyaaladeed. Waraabe waraabe cannaney waase walaalkii. Somali been way sheegtaa beense ma maahmaado.

Waar bahashan qabyaaladda ah aad baynu uga cabanay idinkoo leh waa ta ina baabiisay ee halkaa inna dhigtay. Anigu maanta waxan idin leeyahay innaga qabyaaladda dulminay oo iyada lafteeda halkay taallo dhignay.

Waxan modayay inu qofka fardiga ahi waasho, laakiin maanta waxan yaqiinsaday in mujtamaceenu uu waalan yahay. Bal haddaba qofku marku dhimirka ka xanuusado waxbaa lagula tacaalaa ee waxan marti idinka ahay waxa lagula tacaalo mujtamacu marku maankiisa lumiyo?

Prof Cabdi Cali Jaamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here