“Ma Doonayo In Aan Arko Qolada Muqdisho,”Qalbidhagax

0
391 views
“Ma Doonayo In Aan Arko Qolada Muqdisho,”Qalbidhagax

Ma Doonayo In Aan Arko Qolada Muqdisho,”Qalbidhagax
Hargeysa(Sayruuq) Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dhawr maalmood socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dowladda, baarlamaanka, guurtida, xisbiyada, iyo madaxdhaqameedka Somaliland. Waxaanu wareysigiisii ugu horeeyay siiyey BBC-da tan iyo markii laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Itoobiya horaantii July ee sanadkan.

Waxa uu sheegay in ay madaxda Somaliland ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dhulka Soomaalida iyo xurgufaha ka dhexeeya, islamarkaana Somaliland muujisay in ay diyaar u tahay in ay doorkeeda ka qaadato wixii dib u heshiisiin ah.

Qalbi-dhagax oo ku sii jeeda magaalada Garoowe ugana sii gudbi doona Galmudug ilaa maamullada kale ee Soomaaliya waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu arko xukumadda Muqdisho ka talisa laakiin, waxa uu mahad u celiyay baarlamaanka iyo shacabka reer Muqdisho oo uu sheegay in ay barbar istaageen xilligii la dhiibay.

Mar la waydiiyay sababta uu u tagi waayay Muqdisho si uu ula kulmo madaxweyne Farmaajo waxa uu yidhi “Horta Muqdisho waxa jooga dad Soomaaliyeed, shacbi Soomaalinimadu aad iyo aad ugu weyn tahay oo qiimo badan oo aad u karaamo badan. Sidoo kale waxa jooga golihii baarlamaanka labadiisii aqal oo aad iyo aad xurmo u leh oo ku wayn dadka Soomaaliyeed, qaddiyaddaydii iyo jariimaddii Soomaalinimada laga galayna si fiican u difaacay intuba way mudan yihiin in aan soo salaamo insha Allah xilli ku haboon ayaanu soo salaami doona laakiin, ma doonayo in aan hadda wax badan ka sii sheego qolada kale ma rabo in aan arko,” Sidaas ayuu yidhi Qalbi Dhagax.

Geesta kale waxa jira laba qof oo lagu xidhay Burco markii ay Cabdikariin Qalbi-dhagax ku eedeeyeen in uu masuul ka ahaa baabuur ay leeyihiin reer Somaliland oo ONLF gubtay waxaanu sheegay in dhibaatooyinkaas ay gaysanayeen dad ka cadhaysan dhacdooyin Somaliland ka jiray laakiin, aanay ahayn talo madaxda ONLF ama isaga ka timid oo la isku og yahay.
Halkan ka dhegayso waraysiga oo dhammaystiran
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.