Ma dhabbaa in Imaaraatka ay joojiyeen fiisooyinka Soomaaliya?

0
1,259 views
Ma dhabbaa in Imaaraatka ay joojiyeen fiisooyinka Soomaaliya?

Ma dhabbaa in Imaaraatka ay joojiyeen fiisooyinka Soomaaliya?

Warar isa soo taraya iyo xogo lagu daabacayo baraha bulshada ayaa tibaaxaya in dowladda isu tagga Imaaraatka Carabta ay joojisay bixinta fiisooyinka la siiyo muwaadhiniinta Soomaaliya.

Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka, haddane waxaa aad loo baahinayaa in bogga fiisooyinka ee wasaaradda arrimaha dibeda Imaaraatka laga saaray magaca Soomaaliya, laguna badalay Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland Muuse Biixi ayaa Imaaraatka uga mahadceliyay in ay aqoonsadeen baasaboorka Somaliland.

Muran dublamaasiyadeed oo balaadhan ayaa u dhaxeeya Imaaraatka iyo dowladda Soomaaliya, kaas oo cirka isku sii shareeray kadib markii dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag badan oo caddaan ah, taas oo ay Imaaraatka sheegeen in ay u wadeen ciidammada ay tabobaraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday heshiis Imaaraatka ay la galeen Somaliland ee ku saabsan dekeda Berbera.

Imaaraatka iyo dowladda Soomaaliya labaduba waxa ay joojiyeen heshiiskii lagu tabobarayay ciidan ay Soomaaliya leedahay, waxayna Imaaraatka rarteen agabkoodii inta badan.

Source:BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.