“Ma Ahayn In Somaliland Nala Raaciyo,” Cabdiweli Gaas

0
1,217 views
Gaas & Beelihii Uu Dagaalka Ku Abaabulay Oo Isla Cadilan
Gaas iyo Camay

“Ma Ahayn In Somaliland Nala Raaciyo,” Cabdiweli Gaas

Hoggaanka Dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa wali isku mari la jawaabta ay ka bixinayaan go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku diiday in shirkadda Dp World maamusho dekedda Boosaaso ee Puntland. Warbaahinta Garowe Online oo waraysatay wasiirro codsaday in aan magacooda la sheegin waxay xuseen in madaxweyne Cabdiwali Gaas ka muraara dillaacay in baarlamaanka iyo madaxda Soomaaliya isku go’aan ka qaadato Somaliland iyo Puntland oo aanay kala reebin maaddaama Puntland Federaalka ogoshahay.

Markii go’aanku soo baxay Madaxweyne Gaas wuxuu kulan la yeeshay golihiisa wasiirrada waxaana dhacday codayn ku saabsan mawqifka golaha ee go’aanka baarlamaanka waxaanay noqotay in 17 xubnood diidaan, halka 27 ogolaadeen waxaana muuqatay kala qaybsanaan weyn oo u dhexaysa golaha.

Wasiir aan magaciisa la sheegan ayaa sheegay in Cabdiwali Gaas kulanka ka yidhi “Haddii heshiiskan oo Puntland goleyaasheeda dawladdu ansixiyeen ay dawladda Federaalku ka qabto su’aalo waxay ahayd in ay nagala soo xidhiidhaan ee ma ahayn in maamulkan ay galiyaan khaanadda Somaliland.”

“Heshiiskan Puntland la gashay shirkadda P&O waa dhici kartaa in khaladaad jiro u baahan in la saxo laakiin taas macnaheedu ma aha in maamulkan oo muddo labaatan sanno ah jiray oo aan nasiib u helin in kaabayaashiisa dhaqaale la dhiso markii dawlada soomaaliya jirtay, halka dawladdihii dalka xukumayay burburkii ay Muqdisho kaliya diirada saareen, ma aha in Puntland aqbasho in baarlamaanada aan qaarkood sharciyadda lahayn kuwaas oo mooshino iska gudbinaya ay gacan taag u sameeyaan joojinta mashaariicda ka socota maamulkan ma aqbalayno,” Sidaas ayuu warbaahinta Garowe Online u sheegay wasiir diidan go’aanka baarlamaanka.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in wasiirrada diidan u badan yihiin kuwa ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ballanqaadyo gaar ah ka helay madaxda Muqdisho waxaana jira kulamo ka dhan ah mawqifka Gaas iyada oo kuxigeenkiisa Mr Camay la safan yahay xubnaha diidan in Puntland ka hor timaaddo go’aanka lagu diiday DP World.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha la mawqifka ah Muqdisho ku eedaynayaan Cabdiwali Gaas in uu la mawqif yahay Madaxweyne Muuse Biixi waxaanay ku riixayaan in ay dhaqdhaqaajiyaan xiisadda degaanka Tukaraq iyada oo wasiirrada qaar habeennadan u hoydeen degaanno u dhexeeya Tukaraq iyo Garoowe taas oo looga jeedo in dib loo dhaqdhaqaajiyo xiisadda degtay ee halkaasi ku dhexmartay Somaliland iyo Puntland.

Wasiir aan magaciisa la sheegin oo warbaahinta Garowe soo xigatay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ee aagga Tukaraq difaaca kaga jira aanay bulshada gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle cudud ciidan iyo mid dhaqaale toona ku darsan “Waxa aad u hooseeya doorka beelaha dega gobollada Sool iyo Cayn ku leeyihiin difaaca ciidamada Puntland ee difaaca kaga jira degaanka Tukaraq marka laga eego dhinaca maaliyadeed iyo ciidan,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku mamnuucay shirkadda DP World ayaa sababay in mooshinno laga keeno baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaanay hoos u dhigtay sii wadida dagaalka Soomaaliya kula jirto dekedda Berbera iyo maamulka Puntland oo la sheegay in ay faro gelin ku wadday si aanu go’aanka uga hor iman.

Muxuu yahay khilaafka kala qaybiyay goleyaasha Puntland?

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.