M. Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn

0
199 views
M.Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici

Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan gobolka Sool ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay colaadda beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag halkaas oo dagaal darraad ka dhacay ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Madaxweyne xigeenku wuxuu sheegay in muddo laba sanno ah ay dadaal badan oo cudud ciidan iyo cuud ba leh ay galiyeen xallinta arrintaasi laakiin, wuxuu bulshada degaanka ku canaantay in ay wacadka ka baxayaan marka la heshiisiiyo.

“Runtii aad baan uga xumahay, marka koobaad waxaan tacsi u diraya ehelada marxuumiintii dhintay, runtiina waa mid aad iyo aad cid kasta oo damiir islaamnimo iyo aadanimo leh aad uga naxayso. Ceelafweyn runtii culays badan bay nagu haysay muddo laba sanno iyo jarjar ah; wixii aanu awood galin karaynay, awood ciidan iyo awood dhaqaaleba waanu galinay waxaase nasiib darro ah in mar walba iyada oo dadkii la isu dhaariyay oo la heshiisiiyay oo xattaa magihii la kala qaatay haddana soo noqnoqoshadaasi waxaan leeyahay waa masuuliyad darro labada dhinacba saaran,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.

Waxa uu bulshada walaalaha ah ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda “Waxaan leeyahay waar colaadda wiilba ku dhinta ee wiil kuma dhasho ee colaadda joojiya, walaalnimadiina ilaaliya, inagama go’do in 17-19 qof ay maanta halkaas ku dhintaan oo macno darro ku dhintay, qof kasta oo Somaliland ahi wuxuu ka damqanaya in dadkaasi ku dhinteen waxaan sakaaro ka biirsan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo beelaha walaalaha ah ugu baaqay in ay qadariyaan dhibaatooyinka ku meersan Somaliland ee colaadaha iyo abaaruhu ka mid yihiin.

  1. Halkan dhegayso waraysiga Madaxweyne xigeenka
  2. M. Saylici Oo Diiradda Saaray Fadhiisimada Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.