M. Biixi Oo La Waydiiyay Xadhiga Niciima & Bigeeye

0
1,308 views
Xukunka aFadeexad: Falal Lagula Kacay Naciima Abwaan Qorane Muddadii Ay XidhnaydNaciima Qorane Oo La Dhalliilay

M. Biixi Oo La Waydiiyay Xadhiga Niciima & Bigeeye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay sheegay in aanu ogayn dad u xidhan isaga ama Somaliland oo baraha bulshada wax ku qoray. Madaxweynaha saxaafadda kula hadlayay Madaxtooyada ayaa la waydiiyay arrintan.

Wariye Faysal Fifa oo ka tirsan telefishanka Somali Cable ayaa madaxweynaha waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay Intii aad talada haysay waxa soo badanaya xadhiga dad baraha bulshada soo dhigay qoraallo shakhsiyadooda ay ugaga hadlayaan aragtidooda Somaliland ama mid adiga kugu aaddan oo xabsiga loo taxaabo taas oo u muuqata in ay ka halayso Naciima Abwaan Qorane oo u xidhan qoraal ay Somaliland ka qortay oo ay boggeeda Facebook dhigtay iyo Maxamed Kayse oo Facebook-giisa ku qoray hadal lagu sheegay in uu yahay Madaxweynuhu waa Local oo hadda xidhan.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi “su’aasha ah dad badan ba la xidha oo ah bulshooyinka ka hadlay halkaas(Baraha bulshada) horta anigu ma ogi laakiin, mid baynu heshiis ku wada nahay dhammaanteen; idinka(Wariyeyaasha), umadda, Diimaha samaawiga ah iyo sharciyada adduunka qofku qof kale yaanu ku gefin, haddii uu qofku qof kale ku gefana in sharcigu kala qabto.”

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa dhegaysiga dacwadda Maxamed kayse Maxamuud(Bigeeye) Iyo Dacwadda wiil yar oo Naafo ah 03/04/18 Maalinta salaasada u muddaysay. Bigeeye ayaa loo haysta weedho ka dhan ah madaxweyne Biixi, halka wiilka yar ka dacwoonayo meherad la yidhaahdo Berbera Café oo Hargaysa ku taalla taas oo la sheegay in ay faquuq naafonimadiisa ku saabsan kula kacday una diiday in uu galo meheradda.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here