Liyu Booliska Oo Ka Baxay Xuduudda Somaliland

0
786 views
Liyu Booliska Oo Ka Baxay Xuduudda Somaliland

Liyu Booliska Oo Ka Baxay Xuduudda Somaliland
Wajaale(Sayruuq) Ciidamada dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa iskaga baxay saldhigyada ay ku lahaayeen magaalooyinka xuduudda Somaliland iyo Itoobiya ku yaalla ee Wajaale iyo Balligubadle.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamadu kaxaysteen gaadiid laakiin, lama oga halka ay ku wajahan yihiin kadib qalalaasaha hadheeyay gobolka Soomaalida.
Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxaya warar aan la xaqiijin oo ku saabsan in ciidamada gaarka u ahaa maamulka Soomaalidu doonayaan in ay ka baxaan magaalooyinka si ay u jabhadeeyaan maaddaama ciidamada Federaalka Itoobiya la wareegeen sugidda ammaanka laakiin, wararkaasi lama xaqiijin hubaal la’aanta maamul ee gobolka ka jirta awgeed.
Madaxda dawlad degaanka oo ku dhaw kontomeeyo ayaa isku shubay Addis Ababa halkaas oo Federaalku wada hadal kula leeyahay lamana oga waxa ka soo bixi doona.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.