Liiska Shaqaalaha Madaxtooyada & Beelaha

0
975 views
Liiska Shaqaalaha Madaxtooyada & Beelaha

Liiska Shaqaalaha Madaxtooyada & Beelaha

Shaqaalaha ka hawlgala madaxtooyada Somaliland ayaa si weyn loogu sadburiyay beesha madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida ka muuqata liiska shaqaalaha oo lagu baahiyay mareegta Hadhwanaagnews. Shaqaalaha xukumaddani ka hawlgalisay madaxtooyada ayaa 56% ay noqonayaan beesha Awal taas oo ka dhigan 30 shaqaale ah in 17 beesha yihiin.

Xukumadda madaxweyne Biixi waxay markii ay xilka qabatay madaxtooyada ka dareerisay shaqaalihii ka hawlgalayay madaxtooyada waxaana hadda dib loo soo celiyay qayb ka mid ah shaqaalaha oo 62% ay isku hayb yihiin madaxweynaha taas oo ka dhigan 35 shaqaale ah oo la soo celiyay in ay 22 yihiin beesha Awal inta kalena Somaliland.

Arrintan waxay imanaysa xilli si weyn loo dalbanayo in Somaliland loo sinnaado sida: shaqaalaysiinta, xilalka, qandaraasyada, mashaariicda iyo dhammaan adeegyada dawladnimada laga helo waxaanay u muuqanaysa in muraayada Qaranka ee Madaxtooyadu hormuud ka tahay sad bursiimada laga cabanayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.