Ladqabaynta Wasiir Qabyotire Iyo Xaglotoosiye Ee Badhasaabkii Ugu Muddada Dheera Maxay Uga Dhigan Tahay Xukumadda Kulmiye?

0
34 views

Hargeysa(Sayruuq) Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Cali Xasan ayaa todobaadkii hore iscasilay. Waxa uu sheegay in uu muddo saddex sanno ah saarna culays cabasho ku salaysan oo uga imanayay bulshada uu ka soo jeedo iyo bulshada uu u talinayay ee gobolka Hawd. Cabashada ayaa loo fahmay in bulshadu saluugsanayd xukumadda isna aanu ku niyadsamayn wax qabad la’aanta gobolka uu maamulo.

Dhawr cisho kadib Guddoomiyihii xisbiga Kulmiye ee gobolka Hawd Xasan Digaale Xuseen ayaa iclaamiyay in uu iska casilay xilkii iyo xubinimadii Kulmiye. Mr Digaale mar sii horaysay ayuu is casilay oo la soo maslaxay laakiin, hadda waxa uu sheegay in cabashadiisu la mid tahay tan badhasaabka ee ku salaysan wax qabad la’aanta.

Munaasibad lagu daahfuray mashruuc caafimaad oo ku saabsan hooyada iyo dhallaanka oo shalay lagu daahfuray magaalada Baligubadle ayuu ka soo muuqday badhasaab Ibraahin waxaanu sheegay in uu xilka sii hayn doono iyada oo ay hareero taaggan yihiin wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyotire) iyo wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye. Munaasibadda masuuliyiin kale oo xukumadda iyo xisbiga ka tirsan ayaa camiray.

Badhasaab Ibraahin ayaa si qosol iyo farxad leh oo kaftan ku jiro u sharraxay ladqabada wasiirrada “Wasiirrada ila hadlay waa saaxiibaday waliba waa wasiirradii mudakarka ahaa, wasiirrada oo dhan waa mudakar laakiin, waa rag culus, marka deem eel waxay igala hadleen iyaga laftoodu halkii aan iska casilay ilayn waxaan ku ataxiyaadsaday sara joogee iyaga laftoodu ataxiyaadkii bay igu akhriyeen, waxa weeye wax bay ila jecel yihiin Qarankana wax bay la jecel yihiin raallina waan ka ahay,” Sidaas ayuu yidhi badhasaabku.

Waxa kale oo uu muujiyay in aanay arrintiisu wali gaadhin Madaxweynaha laakiin, qorshuhu yahay in madaxweynuhu soo saari doono warqad sheegaysa in aanu ka aqbalin iscasilaadda “Wallaahi markii Madaxweynuhu xilka la wareegay badhasaabbadii uu magacaabay aniga ka jooga, waxa I soo raaca Ramaax oo mar ayaamo ka maqnaa xilka, marka runtii arrinkaana Madaxweynihii igama aqbalin oo qoraalkeedu wuu iska soo baxaya,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabku.
Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa sheegay in Badhasaabka gobolka Hawd yahay badhasaabka ugu muddada dheer dalka oo dhan, islamarkaana ay sharaftiisu tahay in uu muddo xileedka la dhammaysto xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Qabyotire oo badhasaabka la hadlayay ayaa sheegay in haddii Madaxweynuhu xilka banneeyo labada sanno ee u dambeeya 5-tiisa sanno kuxigeenkiisu doorashada gaadhsiiyo, sidoo kalena xukumadda xeerkeedu yahay in ninka saddex sanno in ka badan xil haya aan iscasilaadda laga aqbalin “Ninku haddii uu saddex sannadood wax ka badan ama saddex sanno xil soo hayay oo labada bilood ee ugu dambeeya is casilo lagama yeelo, maba qormayso in laga aqbalo, marka guddoomiye xeerka ku xannibaya iyada oo aan cidba kaa aqbalin anaga kaa diidnay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qabyotire.
Waxa uu wasiir qabyo tire intaas ku daray in uu hawsha bartiisa ka sii wadayo Badhasaab Ibraahin “Bulshada ka diiday, Madaxdii baa kaa diiday, Madaxweynihii baa kaa diiday, xeerkii baa kaa diiday halkaas ayaad noo fadhiyaysa sidii sharafta lahayd ee aad u wadday ayaad u wadaysa insha Allaahu,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Qabyotire.

Iscasilaadda badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan iyo guddoomiyihii Kulmiye ee gobolka Hawd Mr Xasan Digaale ayaa diraysay farriin ah in bulshada gobolka Hawd ay kala hadaafeen xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, islamarkaana ay asxaabta mucaaradka ahi ka faa’iidaysan doonan dareenka ka dhasha iscasilaadda madaxda ugu saraysa ee Kulmiye iyo xukumaddiisa u qaabilsan Gobolka Hawd hase ahaatee ku nagaanshaha Ibraahin Xaaji Xasan ku nagaaday badhasaabka Gobolka ayaa xumad jabin u ah dareenka Kulmiye qaatay, islamarkaana xaaladda ka dhigi karta mid caadi ah, iyada oo la dhawrayo in xisbiga Kulmiye ka jawaabo walaaca masuuliyiintiisa reer Hawd.

Hargeysa-Somaliland
Sayruuq Editorial
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here