Lacagtii Meeday? Maskii Baa Cunay!

0
219 views
Lacagtii Meeday? Maskii Baa Cunay!

Lacagtii Meeday? Maskii Baa Cunay!

Khasnaji reer Nayjeeriya ah ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii ay sheegtay in lacag dhan 36m Naira uu cunay mas. Waxay sidaasi u sheegtay Odhid arrintan baadhayay. Lacagtan ayaa u dhiganta boqol kun oo dollar($100,000 ama 72,250 Euro). Philomena Chieshe waxay karraani ka ahayd xafiiska guddida imtixaanaadka oo ururiya lacagta imtixaannada.

Guddida Imtixaanaadka iyo guddiyo kale oo arrintan ku shaqo leh ayaa BBC-da u sheegay in ay dhinac isaga leexiyeen arrinta ay ku andacootay islamarkaana tallaabooyin sharci ka qaadayaan.

Arrintan ayay bulshada Nigeria kaga falcelisay baraha bulshada iyaga oo si xaraabe ah uga hadlaya maaddaama ay la yaaban yihiin arrinta lagu andacoonayo. Mid ayaa soo qoray ‘bal is waydii wakhtiga ay qaadanayso in Masku cuno 36 Milyan Naira haddii ay tahay 100, 200, 500?’

Waaxda ka hor tagga Musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa soo qoray “Gorgorku uma naxariisan doono Maska lacagta liqay.

Halkan ka eeg dareenka reer Nigeria

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.