“Lacagta Xisbiyadu Doorashada Ku Galaan Beelaha Bixiya,” CPA

0
464 views
“Lacagta Xisbiyadu Doorashada Ku Galaan Beelaha Bixiya,” CPA

“Lacagta Xisbiyadu Doorashada Ku Galaan Beelaha Bixiya,” CPA

Hargeysa(Sayruuq) Hay’adda Center For Policy analysis(CPA) oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku daristay halka uu xisbiyada Somaliland ka soo galo lacagta ay ku galaan ololaha doorashada waxaanay sheegtay in lacag dhan 54 Milyan oo dollar xisbiyada kaga baxday ololihii doorashada.

Warbixintu waxay muujisay in aanay hufnayn hababka xisbiyadu ku helaan dhaqaalaha ay doorashada ku galaan taasna ay horseedayso in aanay hufnaan xukumadda ka dhalata.

Waxyaabaha daraasadda ka soo baxay waxa ka mid ah:

  • 90% dadka aanu waraysanay waxay isku raaceen in ay tahay in la xakameeyo lacagaha ololaha doorashada ku baxa, way se adag tahay;
  • Lacagaha xisbiga reero ayaa bixiya;
  • Lacagta waxa qaybo badan maamula guddiyo;
  • Lacago caddaan ah ayaa mararka qaar xisbiyada loo keena.

CPA cilmi baadhistan ay wadday 4 bilood waxay ku sheegtay in aanay saddexda xisbi raacin qodobka 23-aad ee xeerka doorashada Lr 14 oo dhigaya in xisbiyadu u soo gudbiyaan warbixintooda dhaqaale guddida doorashada.

Waxa kale oo ay daraasaddu ogaatay in aanay xisbiyadu lahayn siyaasad xooggan oo ay u raacan maamuladda kharashka soo gala iyo kharash-garayntiisa. Lacagta ugu badan waxa maamula hoggaamiyeyaasha iyo guddiyo qabiil oo isbarbar yaac ah ama taageerayaal taas oo aan lahayn wax hannaan ama nidaam ah oo ay marto, hufnaan iyo siistam khaas ah oo maaliyadeed mid aan lahayn.

Warbixintu waxay ku talisay in xisbiyada looga baahan yahay hannaan loo wada dhan yahay, dimuqraadiyad iyo dhaqaale ka madax bannaan qoys ama qabiil ama saaxiibada musharraxa, haddii kale qof kasta oo lacag bixiyay waxa uu si buuxda go’aan ugu yeelanaya hawlaha xisbiga.

Waxa kale oo ay warbixintu ku talisay in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo xeerka doorashada qaybihiisa dhaqaalaha xisbiyada ku taxalluqa siiba kuwa taabanaya kharashka ololaha ku baxa iyo taageerada maaliyadeed ee xisbiyadu dibadda ka helaan.

Waxa kale oo xisbiyada lagula taliyay in looga baahan yahay nidaamka maaliyadeed ee xisbiyadu noqdo mid cad oo hufan si waafaqsan qodobka 23-aad ee xeerka doorashooyinka Qaranka.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.