“Labada Suldaanba Waa Laga Tashanaya,” Eng Faysal

0
88 views
“Labada Suldaanba Waa Laga Tashanaya,” Eng Faysal

“Labada Suldaanba Waa Laga Tashanaya,” Eng Faysal

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa beelaha ku dagaallamay degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag ugu baaqay in ay nabada ilaaliyaan oo aanu dagaal dambe dhicin. Waxa uu sheegay in ay waligood halkaas wada degenaanayaan, islamarkaana dad is dhalay oo ehel ah yihiin sidaas awgeedna aanay dagaal waxba ka faa;iidayn.

Eng Faysal waxa uu meesha ka saaray eedayn ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ku saabsan in xukumaddu qayb ka tahay dagaalka beelaha, islamarkaana dhinac la safan tahay waxaanu sheegay in aanay hadalkaas waxba ka jirin ee xukumaddu dhex ka tahay sidii horeba ay u kala dhexgalaysayna ay ugu dhex jirayso.

Waxa uu intaasi raaciyay in laga tashanayo Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir “Salaadiinta waa laga tashanayaa, labada suldaanba waa laga tashanayaa anagu kaayaga taladiisa waanuba ku jirney, salaadiintaasi dantooday u hadlayaan, hungurigoodey u hadlayaan, dantiina ma wadaan, dantiinu gacmiihiinay ku jirtaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal

Suldaan Xasan iyo Suldaan Maxamed ayaa hadalo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen si weyn loo dhibsaday loona arkayay hadallo xanaf leh oo bulshada iska hor keenaya siina wada kala qaybsanaanta siyaasiga ah ee bulshada Somaliland.

 

Hadalka Suldaan Maxamed Oo Raalli Gelin laga Bixiyay

Suldaan Xasan oo Raallin galin bixiyay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.