Laba Qodob Oo Camay Ka Codsaday Reer Buuhoodle

0
675 views
Ciidan Camay Ka Kaxaystay Buuhoodle Oo Somaliland Ku Soo Noqday

Laba Qodob Oo Camay Ka Codsaday Reer Buuhoodle

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Camay oo ku jira ololihiisa uu todobaadadii u dambeeyay ku iclaaminayay dagaal aan joogsanayn oo dhex mara Somaliland iyo Somalia ayaa shalay fagaare kula hadlay bulshada reer Buuhoodle. Mr Camay si aan sir ah oo shaac baxsan ayuu u jeedada socdaalkiisa fagaare ugaga sheegay bulshada gobolka Buuhoodle.

Mr Camay wuxuu sheegay in bulshada reer Buuhoodle ka doonayo cudud ciidan iyo Calafkii ay cuni lahaayeen “Anagu maanta marka aanu runta idiin sheegno waxaanu u nimid laba shay oo kaliya; waxaanu u nimid calaf iyo ciidan, wax kale umaanu iman, labadaas in la idinka helo ayaa la idinka doonaya haddii aad reer Buuhoodle tihiin, cuqaashiiniina waa kuwa diyaarka u ah idinkuna in aad la qaadatan ayaa la idinka doonaya,” Sidaas ayuu yidhi Mr Camay.

Mr Camay wuxuu ku gacan saydhay qorshe beesha caalamku ku doonayso in dagaalka Tukaraq lagu joojiyo oo ah in ciidamada Somaliland lagu soo celiyo fadhiisimadooda hore ee Gambadha waxaanu ku dooday in dagaalku socon doono.

Ma cadda in waxgaradka taladu ka go’do ee Buuhoodle la qaateen in dagaalka Tukaraq ka soo noqnoqday ku soo fido degaannadooda oo in muddo ah xasilloona. Hase ahaatee damaca Camay kala yimid Garoowe ayaa xaqiijin u ah hannaanka maleeshiyo beeleedyada lagu ururinayso si looga hor keeno ciidamada Qaranka Somaliland taas oo u muuqata in aanay jirin cudud ciidan oo ay ciidamada Puntland leeyihiin.

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo Laascaanood jooga waxa uu sheegay in socdaalka Camay yahay dhuumasho uu ku tagay Buuhoodle, islamarkaana aanu wax saamayn ah yeelan doonin.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.