Laba Masuul Oo Xil Ku Muransan

0
101 views

Laba Masuul Oo Xil Ku Muransan

Hanti-dhawrihii hore ee Qaranka Siciid Saleebaan Mire ayaa sheegay in hanti-dhawraha dhawaan la magacaabay ku hawlan yahay aargoosi ku saabsan baadhis hant-dhawrku ku sameeyay dekedda Berbera oo xilligaas uu maareeye ka ahaa hanti-dhawraha hadda.

Dhawaan ayay warbaahintu qortay in Siciid Saleebaan Mire hantidhawraha cusub maagay kuna haysto xilka oo uu yahay guddoomiye xigeenka hanti-dhawrka. Arrinta muranka keentay ayaa ah in Siciid Saleebaan Mire ahaa hanti-dhawre kuxigeenkii qaranka, islamarkaana uu hadda ahaa ku simaha hanti-dhawraha laakiin, aan xilkaas hore laga qaadin dibna loogu magacaabin.

Siciid waxa uu sheegay in Hanti-dhawraha dhawaan la magacaabay ka xumaaday baadhitaan uu dekedda ku sameeyay xilligii uu ku simaha hantidhawrka ahaa, islamarkaana uu hadda aargoosanayo dhawaanna ay ku murmeen shaqaale 10 qof ah oo uu shaqada ka caydhiyay hanti-dhawraha guud. Waxa uu sheegay in aanu jirin xil uu ku haysto ama wax mushkilad ah oo uu u gaystay

Madaxweynaha dhawaan xilka la wareegay ayaan wali dhammaystirin xukumaddiisa waxaana jira masuuliyiin kuraasta ugu fadhiya magacaabistii Siilaanyo, islamarkaana aan loo sheegin in jagadooda laga maarmay ama la magacaabi doono taas oo ay ka mid tahay jagadan muranka ka dhex riday labadan masuul oo mid walba isu haysto in uu digreeto madaxweyne ku magacaaban yahay.

 

Hanti Dhawrka Somaliland Oo 16 Hay’addood Baadhaya

Laba Masuul Oo Xil Ku Muransan

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.