Laascaanood Oo Arooska Xabad Laga Rido La Xidhi Doono Caruuska & Caruusadda

0
150 views
Laascaanood Oo Arooska Xabad Laga Rido La Xidhi Doono Caruuska & Caruusadda

Laascaanood Oo Arooska Xabad Laga Rido La Xidhi Doono Caruuska & Caruusadda

Laascaanood(Sayruuq) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga mamnuucay in aroosyada lagu galbiyo xabado iyo hoonka baabuurta. Cidda adeegsata ayaa la kulmaysa xadhig waxaana bulshada la faray in ay qaataan amarradaasi sida ay shir jaraa’id ku sheegeen maayarka magaalada iyo taliyaha booliska ee gobolka.

Arrintan ayaa la xidhiidha ammaanka waxaanay masuuliyiintu sheegeen in ay dadka khalkhal amni darro ku rido rasaasta laga rido aroosyada “Dhacdooyin muddooyinkii u dambeeyay ku soo noqnoqonayay magaalada Laascaanood oo ay ka mid yihiin aroosyada xabadaha laga rido, waxaanu u sheegayna dad weynaha in ay mamnuuc tahay in xabado laga rido aroosyada habeenkii iyo in lagu garaaco hoonka baabuurta. Labaduba waa xaaraan waana sharci darro. Cidda lagu qabto arooska iyo aroosadda ayaanu xidhayna ee sidaas nin wallow ba ogow,” Sidaas ayuu yidhi maayarka Laascaanood  Cabdicasiis Xuseen Maxamed.

Maayarka oo ka sii hadlaya sababaha loo mamnuucayo arrintan ayaa yidhi “Nin wallow ba in aroosku kuu barakooba loo baahan yahay ee in aad dadka ka nixiso oo arooskii xabad ku bilawdo cawaaqibka uu yeelan karo waad garan karta. Hotellada lagu dhigo aroosyada waxaanu u sheegayna in ay booliska soo ogaysiiyaan aroosyada si amnigooda loola socdo wax carqalad ahna aanay uga dhicin,” Sidaas ayuu yidhi duqa Laascaanood oo intaasi raaciyay in dhallinyarada sawirrada dhaqan xumada ah gala iyada oo aanu jidhkoodu asturnayn la xidhi doono muddo lix bilood ah.

Taliyaha qaybta booliska Sool gaashaanle dhexe Cismaan Daahir Xaashi ayaa isna sii adkeeyay in ay fulin doonan amarrada ku saabsan ammaanka, islamarkaana ay xidhi doonan arooska rasaas laga rido iyo dhallinyarada sida xun sawirrada u gala. Waxa kale oo uu darawalada ugu baaqay in gaadiidkooda ku xidhaan lambarka Somaliland inta ay joogaan Laascaanood haddii kale tallaabo laga qaadi doono.

Waxa uu sheegay in bulshada reer Sool ay ka dhiman tahay in dambiilaha ay soo qabtaan ama gacan ka siiyaan sidii boolisku u heli lahaa waxaanu ku baaqay in booliska lala shaqeeyo.

Daawo shirka jaraa’id ee masuuliyiinta

DaawoSida Reer Laascaanood U Arkaan Weedhihii Cali Khaliif

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.