La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Doorashooyinka Oo Farriin Tallo Ah U Diray Gollaha Guurtida.

0
77 views

Hargeysa(Sayruuq)-La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Doorashooyinka  Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari ee dhawaan Labada Gole Barlamaan ansixiyeen in Xukuumaddu heshiis kala gali karto Imaraadka, waxa kale oo uu ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda ee Guurtida loo gudbiyey, waxaanu baaq u diray Madaxweynaha cusub ee Somaliya.

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Doorashooyinka  Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Abaarta iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Saldhiga Milatari  “Qaabka loo galay si kastaba ha ahaado markii hore, laakiin go’aanba dhacay oo labadii Gole Barlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa ansixiyey, waayo hay’addii sharci dejin ee ugu sareeyey ayaa ansixisay, fulintuna wey fulisay, Garsoorkuun baa ka maqnaa meesha, markaas go’aankii wuu dhacay heshiiskii waa la galaya labada Gole ayaa ansixiyey, marka muranka dacaayada, yoo-yootanka iyo hadalada la sheeg sheegayo halkaas ha lagu khatimo, Xisbiyada Mucaaradku haddii ay diidan yihiin intii aanu go’aanku dhicin ayey ahayd inay ka hor tagaan, Barlamaanka ka   dhaadhiciyan siday wax u arkaan  ayey ahayd, Barlamaanku waa dad la doortay, oo la dhaariyey, dhaliila la sheega, balse kitaab baa la mariyey, waa la dhaariyey, waa dad masuul ah oo caqli leh, oo cilmi leh, markaas in arinka halkaas lagu daayo, oo fadeexadeeda iyo hadalada xun xun in halkaas inagaga xidhmaan ayaan ku talinayaa”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta loo gudbiyey Guurtida ayaa yidhi “Go’aanka qoraalka Maxkamada waan arkay, Maxkamadu waxay siisay Guurtidu inay qiimeyn sameeyaan, marka inay go’aan gaadhan ayey Maxkamadu qortay, mayna odhan Maxkamadu sidii tii hore lama dhaafin karo maalin heblaayo, Maxkamadu waxay go’misay markii hore in aan la dhaafin karin 28/3/2017, imikana kuma qorna Doorashadu maalin heblaayo ha dhacdo, laakiin Guurtida ayey siisay inay qiimeeyn karaan, laakiin Guurtida waxaan leeyahay keena wax umadda qanciya, oo khilaaf iyo dhibaato dambe ha  inoo keenin , oo waa waxa ay Maxkamadu u xalaalaysay oo ay ku riixday Guurtida, Guurtidaana  xilkii la saaray, oo waana kii Madaxweynuhu warqada qoray, markaas Guurtidu ayeynu ka war sugaynaa”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa yidhi“Somalidu inta badan sida soodhaha waa laab la kac, Somaliya inay Madaxweyne yeelato xaq bay u leeyihiin, Somaliya xumaanteeda ma jeclin, inay dawlad noqoto inay qaran noqoto ayeynu jecel nahay, laakiin iyagu mar walba xaga xun bay inaga joogsadaan, Madaxweynaha cusub ee Somaliya xilka loo magacaabay ILLAAHAY ha u fududeeyo, midnimada nimankii waday waxay ahaayeen Somaliland, inaga wadnay 1960-kii, midnimo looma doonayn Somaliland oo Ingiriisku haystay iyo Somaliya oo Talyaanigu haystay,ee waxay ahayd midnimo loo doonayey shanti Soomaaliyeed ee la qaybiyey, calanka Somaliya ee maanta taagan ee leh xidigta shanta gees, shanti Soomaaliyeed buu matalaya, shanta waxa ku jiray Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ku jiray dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee Jigjiga laga maamulo, waxa ku jiray Gobolada Waqooyi Bari ee Kenya, shantaas ayaa midnimada Soomaaliyeed lahayd, marka arinta inaga doonaynay, wadnay, haddii ay tahay sugaan iyo haddii ay tahay heeso mishiinkii laga waday Hargeysa ayey ahayd, Muqdisho may ahayd, wey suurtagali weyday, marka anigu waxaan Farmaajo kula talinayaa waar umad Soomaaliyeed waa umad walaalo ah, ha laga shaqeeyo Somali sidii ay isku kaashan lahayd, wixii Somalida dumiyey ee ay kuwii kale ku quusteen oo Jabuuti diiday inay Somaliya ku soo biirto waa khaladkii ka dhacay Muqdisho, oo dawladdihi u kala dambeeyey Somaliya 1960-kii ilaa 1991-kii waa midnimadii, wada noolashihii iyo Somalinimadii meesha ka saareen, markaas waxaan leeyahay Somali sidaas ay u kala taalo maanta ha isku dugsato, balse haddii midnimo la doonayo aynu doono midnimadii shanti Somalida, haddii aad taas ka tagteen Somaliland waa qaran ee sidaas aad u xishamaynaysaan Jabuuti, sidaas aad u xishmaynaysaan dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, sidaas u xishmaynaysaan Somalida Kenya Somaliland ha idinla mid noqoto, oo shanti Soomaaliyeed bay ka mid tahaye, markaas ceeb maaha dambina maaha haddii ay Somaliland tidhi qarankaygii baanu soo ceshanay, waa wax ka sax ah, anaga oo waliba ogol in aanu Somalida is kaashano, markaas Farmaajo waxaan kula talinaya in sidii ay shanta Somalidu kala ahayd ay isku dugsadaan, oo dad walaalo ah noqdaan, oo macaamil iyo is dhex gal, bayac-mushtar wax kala iibsi la yeesho, oo aqoonta iyo cilmiga la is weydaarsado, oo sidaas afarta kale isku ogol yihiin Somaliland iyana loo ogolaado oo  gudubta laga daayo”.

Cabdilaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey dadka reer Somaliland ee iyagu Somaliya taga ayaa yidhi “Umadda reer Somaliland waxaan leeyahay dadkii kale wey is ogol yihiin, oo qarankooda ayey wada ilaashanayaan, kuwii Jig-jiga ku noola wey wada ilaashanayaan, kuwii Kenya wey wada ilaashanayaan, umadda reer Somaliland haddii aynu nahay dad baa iyagu xamar ku guriyo noqda, Xamar xeerkooda ayaa dhigaya in loo shaqo tagi karo, anigu dhibaato uma arko ninka u shaqa taga, waayo xeerkooda ayaa ogol, laakiin wadaniyadeena aynu ilaalino, laakiin sidaas  Jabuuti u ilaashanayaan, aynu u ilaashano, oo qaranimadeena aynu ilaashano, oo guri noqoshada aynu iska ilaalino, wixii khaldana aynu inagu saxano”.

Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Abaarta wuxuu yidhi “Bishii Jilaal ugu dambaysay maanta waa afar, ee todob la odhan jiray ee xaga dambena kaliisha kulul ka noqon jirtay, waana bisha ay dadka iyo xoolahaba ay dhimashadu ku badan tahay, 26 cisho ayaa jilaalkii ka dhiman, bisha Todob markay dhammaato, bishii Seerma-weydo ayaa soo galaysa, marka haddii intaas ALLE raxmad keenin abaartu wey sii xoogaysanaysaa, marka anigu waxaan hore ugu baaqay dadka cuno waa la gaadhsiiya ee xoolaha baad ha loo raadiyo, imikana dadaal badan waa la wada ee wixii la heli karo, in loogu  dadaalo dadka iyo xoolahaba baad iyo biyaba ayaan ku talinayaa”.

Cabdilaahi jawaan mar uu baaq u diraayey Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa yidhi “Waxaan arkaayey Salaadiin Beesha Arab magaceeda ku hadlaysa, Salaadiintu waa dhaqan oo Beel wey ku hadli karaan, laakiin waxay ka hadlayeen SBI iyo cashuuro la saaray, biyaha iyo wax sidaas ah, sidaan u arkaayey hab beeleed baa laga dhigay, oo Maayarka ayey eeddo u soo jeediyeen, maalintii SBI-du ay Cocole ka soo dhameeyeen shanta milyan ee ugu deeqeen Degmooyinka Ibraahim Koodbuur, 31-may, Axmed Dhagax, Maxamed Mooge iyo Maxamuud Haybe, intaas bay biyo gelintooda shan milyan ugu deeqeen, runtii waa mashruuc aad u balaadhan, adduunka marka cidi sidaas oo kale sameeyso cashuur dhaafid baa loo sameeya, markaas haddii SBI mashruucaas oo bulshada dan u ah keentay, oo lacag aad u fara badan ku bixisay in cashuur dhaafid loo sameeyo ayey ahayd, runtiina in Salaadiintu sidaas u hadasho oo Maayarka dhaliilo u soo jeediyaan, yidhaahdana degmo ayuu maayar u yahay may ahayn, ee  inay si qaran u hadlaan bay ahayd, Maayarkuna Hargeysa ayuu Maayar u yahay, Degmo gaar ah Maayar uma ah, ee in wax la isla eego, oo wax la saxo ayaa loo baahan yahay,Golayaasha Deegaankuna inay dadkooda hoos u eegaan weeye”.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here