Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Shaybaadh U Noqday Daacadnimada Komishanka: Falanqayn

0
526 views
Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Lagu Muransan Yahay

Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Shaybaadh U Noqday Daacadnimada Komishanka: Falanqayn

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa u muuqda kuwo ku asqoobay go’aan ka gaadhista kursi ka bannaanaday golaha wakiillada Somaliland. Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiir xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees ayaa ku muransan kursiga waxaana loo arka in murankaasi yahay mid la abuuray.

Komishanka doorashooyinka oo muddo aamusna ayaa shalay ku dhawaaqay in Xuseen Axmed Caydiid yahay kaydka 5-aad oo noqonaya kan xaq u leh kursiga laakiin, Maxamed Muuse Abees oo ah kaydka 6-aad yahay kan xagga codadka sarreeya. Guddidu ma sheegin in ay codka labadan nin dib u tirinayaan ama raadinayaan macluumaad dheeraad ah laakiin, waxay sheegeen in ay maxkamadda u gudbinayaan. Dadka shuruucda ku xeel dheer ayaa aamminsan in aanay ool wax maxkamaddu ka gar naqdo maaddaama khaladka Komishanku sheegaya yahay mid aan ku salaysnayn khalad sharci oo fasiraad u baahan.

Halkan ka daawo dooda Komishanka doorashada

Cabdillaahi Jawaan oo ka tirsana hoggaanka guddidii ku dhawaaqday doorashadii golaha wakiillada Somaliland ee 2005 ayaa u jawaabay Komishanka wuxuuna sheegay in uu hayo nuqul rasmi ah oo ah liiska kala sarraynta, islamarkaana kayd ahaan iyo codad ahaanba uu sarreeyo Xuseen Axmed Caydiid. Waxa uu sheegay in uu u arko in murankan la abuuray lana wado arrimo siyaasadeed oo xukumaddu dabada ka riixayso waxaanu ku hanjabay in uu arrimo badan sheegi doono.

Kalsooni Darrada Komishanka

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa kalsoonida kala laabtay guddida doorashooyinka Somaliland waxaanu dalbaday in la bedelo todobada xubnood. Waxa uu xisbigu saluugay hab maamulkooda doorashadii 2017 oo uu u arkay in aanay daacad ahayn.

Dr Cirro guddoomiyaha Waddani oo Sabtidii taageerayaashiisa kula hadlayay Burco wuxuu sheegay in aanay gali doonin doorasho guddidani hagayso “Cid baa siidhiga inoo haysay Doorashadii, waxaanu dalbanay xisbi ahaan, jawaabtiina aanu sugayna in siidhi wadeyaasha la bedelo. Waxaanu diyaar u nahay xisbi ahaan in doorashooyinku inoo qabsooman xilligii loogu talo galay marka la bedelo siidhi wadeyaasha(Komishanka) oo ay yimaaddan Siidhi wadeyaal cusub,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Sheekh Aadan Siirro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland si dhawna ula socda siyaasadda Somaliland wuxuu Jimcihii sheegay in ay daacadnimada Komishanka halis galinayso in ay laba qof kala saari kari waayaan “Komishanka waxaanu leenahay kalsoonidiinay luminaysa, umadda dhan ee aad aragteen baa idin sugaysa, sanad kadib doorashadii baarlamaanka la galaya, goleyaashii degaanka oo dhan ee intaas oo degmo ka koobna ayaa la galaya, umaddu sidee bay ugu kalsoonaanaysa kala saaristeeda haddii aad laba inan kala saari kari waydaan?,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Aadan Siirro oo sheegay in arrintu tahay ‘Timir laf baa ku jirta’ waxaanu sheegay in sababta kaydadka badan, Kombuyuutarada iyo shaqaalaha badan loo sameeyay tahay in aanay xogtu lumin.

Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa u muuqda kuwo aan daacad ka ahayn kursiga lagu muransan yahay waxaana shaki badan gali kara daacadnimadooda haddii loo arko in xukumadda oo diidan mucaaradnimada Xuseen Axmed Caydiid ay muran noocan ah galiso kursigan. Guddida ayay ahayd in ay go’aan uun ka qaadato arrintan muddada jiitamaysay waxaanay hadda u muuqata in laga dhigo in guddidii 2005 shaqaynaysay khaladda kala horaynta Xuseen iyo Maxamed Muuse Abees, islamarkaana loo xukumo Mr Abees maaddaama oo uu dhanka codadka horreeyo sida ay Komishanku ku doodeen.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan sheegay in aanay xukumaddu raalli ka ahayn in Xuseen Axmed Caydiid baarlamaanka soo galo. Xuseen laftiisu wuxuu hore u sheegay in ay u samaynayaan miisaan aanu isku ogayn laakiin, waxay arrintani dhaawac hor leh u gaysanaysa kalsoonida Komishanka waxaana la eegi doona sida uu shaybaadh caddeeye daacadnimadooda ugu noqdo go’aanka ay ugu dambeyn ka gaadhan kursiga lagu muransan yahay.

Sayruuqnews/Faallo

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here