Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Lagu Muransan Yahay

0
575 views
Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Lagu Muransan Yahay

Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Lagu Muransan Yahay

Kursiga dhawaan ka bannaanaday golaha wakiillada Somaliland ayaan wali xal laga gaadhin cidda buuxinaysa. Xuseen Axmed Cayiid oo Waddani ka tirsan iyo Maxamed Muuse Abees wasiir xigeenka warfaafinta ayaa kursigaasi ku muransan.

Khamiistii ayaa la filayay in maxkamaddu dhaariso Xuseen Axmed Caydiid oo muran ka dib Komishanku magaciisa u gudbiyay maxkamadda laakiin, waxa dacwad maxkamadda geeyay Maxamed Muuse Abees oo sheegay in uu kursigaasi leeyahay taas oo dib u dhigtay dhaarinta Xuseen.

Xogo ay heshay Sayruuqnews ayaa sheegaya in maxkamaddu Mr Abees u sheegtay in uu soo diyaar garoobo soona qaato caddaymaha dacwaddiisa ku saabsan kursigan waxaana la filayaa in arrintan ay maxkamaddu ka garnaqi doonto.

Waa kursigii u horeeyay ee muran ka dhasho cidda buuxinaysa maaddaama lagu gali jiray kala sarraynta liiska xildhibaannadii ka qayb galay doorashadii 2005. Komishanka ayaa dhawaan ku dooday in dhanka codka uu sareeyo Mr Abees laakiin, Caydiid kayd ahaan sarreeyo laakiin, lama oga caddaymaha labada dhan la kala iman doonan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here