Kursiga Muranku Hadheeyay Oo Go’aan Ka Soo Baxay

0
1,151 views
Kursiga Muranku Hadheeyay Oo Go’aan Ka Soo Baxay

Kursiga Muranku Hadheeyay Oo Go’aan Ka Soo Baxay

Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees ayaa Muddooyinkii u dambeeyay ku muransana cidda buuxinaysa kursi ka bannaanaday golaha wakiillada Somaliland. Shabakadda Wararka ee Hadhwanaag ayaa ku warramaysa in maxkamadda sare oo arrintan qayb ka ahayd la xidhiidhay Xuseen Axmed Caydiid kuna wargelisay in uu isu diyaariyo dhaarta xildhibaannimada kursiga wakiillada ka bannaan.

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa shalay sheegay in ay sugayaan go’aanka maxkamadda sare kadib markii ay ku doodeen in Xuseen Axmed Caydiid yahay kaydka 5-aad halka Maxamed Muuse Abees yahay kaydka 6-aad laakiin, dhanka codadka uu badan yahay Maxamed Muuse Abees.

Cabdillaahi Jawaan Oo Si Adag U Hanjabay

Cabdillaahi Jawaan oo ka mid ahaa guddidii doorashada ee 2005 ku dhawaaqday natiijada doorashada wakiillada ayaa sheegay in uu hayo nuqul ka mid ah xogtii la kaydiyay ee liiska xildhibaannada, islamarkaana Xuseen Axmed Caydiid kursiga xaq u leeyahay.

Kursiga Wakiillada Ka Bannaan Oo Shaybaadh U Noqday Daacadnimada Komishanka: Falanqayn

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.