Kulmiye : Xisbi Waayey Kalsoonidii Shacabka Somaliland : By Yusuf Janale.

0
81 views

Taariikhdu ma duugowdo,ma lunta,qoor kastana waxay ku suntan tahay xilga markaasi taagan iyo aragtida xaadirka ah,taariikhdu waxay ku wareegtaa koonka ama caalamka aan ku noolahay waxayna sharaxaad ka bixisaa wixii tegey iyo wixii taaganba.

Xisbiga Kulmiye shacabka Somaliland waxay ku doorteen cod aqlabiyada iyagoo uga hiiliyey musharixiintii kula tartamayey doorashada madaxtooyada ee 2010,shacabku wuu u hanweynaa waxayna filayeen in uu wadanka siyaasadiisa gudaha iyo debedaba dhisi doono,waxay shacabku filayaan in kulmie kor u qaadi doono adeegyada caafimaadka,waxbarashada,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba.

Kulmiye bilowgiisiiba wuxuu soo dhisay dawlad uu ku soo xushay qabyaalad,Eex,qof jecleysi,dawladaasi uu soo dhisay oo ka aradan aqoonta cilmiyeed ee maadiga ah iyo
mida diiniga ahba.

Kulmiye xukuumadii uu soo dhisay waxay noqotay mid lagu khasaaray kana leexatay manjarihii sunaha dawladnimo,waxay noqotay xukuumada awoodeedii isugu geysey in ay dalka dhacaan waxay ku kaceen musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne,waxay ku kaceen khiyaamo qaran ,waxaa baaba’ay ama luntay siyaasadii arrimaha gudaha iyo debedeba.

Waxaa Somaliland ka dhex sameysmey Maamul Goboleedyo, waxaa muqdi galay nabad-gelyadii qaranka waxaa luntay sumcadii somaliland ku lahayd geeska africa iyo wadamada kale ee caalamka khaasatan reer galbeedka,

Kulmiye iyo maamulkiisu waxay wadanka darajadiisii hoos ugu soo celiyeen maamul-goboleed la siman puntland iyo galmudug,waxaa dhacday in dhalinyaradii wadanka ka tahriibeen oo saxaraha iyo badaha ku xasuuqmeen markii ay dawladii la doortay daryeel iyo jahayn ka waayeen,bal akhristow xasuuso odhaahdii beenta ahayd ee kulmiye(UDUB way tegeysaaye ha tahriibin walaal).

Xukuumada Kulmiye Waxay iibisey ama xaraashtay Hantidii ma guurtada ahayd sida Dhulkii danta guud,Dekedihii ,warshadihii laydhka,giroonadii dayuuradaha,waxay saldhiyo military siisay dawlado shisheeyo taasi oo ah qaran jab iyo hadimo loo horseeday shacabka somaliland

Qoraal yar laguma soo koobi karo xaalada qalafsan ee maanta dalku marayo sababna uu u yahay maamulka kulmiye ee lagu khasaaray, waxaa hubaala oo qof walba oo somalilander ihi arkayaa in wadankii jar ka sii laalaado oo hadii uu ka dhaco aan dib looga soo saari karin hogaasi.

Kulmiye waa xisbi waayey kalsoonidii shacabkiisa waxaana qurux badan in uu dib isaga soo celiyo amaanadii loo dhiibtey ee uu xejin waayey.

Yusuf Abdilahi Janale.

Oslo Norway

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here