Kulmiye Oo Ka Hadlay Jagada Guddoomiyaha Iyo Dhaqdhaqaaqa Maxamuud Xaashi

0
632 views
Kulmiye Oo Ka Hadlay Jagada Guddoomiyaha Iyo Dhaqdhaqaaqa Maxamuud Xaashi

Kulmiye Oo Ka Hadlay Jagada Guddoomiyaha Iyo Dhaqdhaqaaqa Maxamuud Xaashi

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa meesha ka saaray in xilligan ay miiska saaran tahay qaddiyadda guddoomiyenimada Kulmiye iyo in ay cidi sheegto in ay u tartamayso jagadaasi. Waxa uu sheegay in xubnaha hoggaanku sii haynayaan xilalkooda.

Masuulkan oo wax laga waydiiyay musharraxnimada Cali Warancadde oo ay haybta guud wadaagan waxaanu yidhi “Maalintii guddoomiyenimada xisbiga la isu sharraxayay maanta ma joogno, madaxweynaha guddoomiye ka ah wakhtigiisiina ma dhammaan, dee maalinteeda ayay noqonaysa arrinta musharraxnimadu ama hoggaankayaga ha noqdo ama qof kale ha noqdee,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere.

Waxa kale oo uu si adag u difaacay guddoomiyenimada Kulmiye ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed ahna wasiirka arrimaha dibadda. Waxa uu sheegay in hoggaanka bedelkiisu iman karo oo kaliya xilliga la gaadho shirweynaha xisbiga oo lagu doorto hoggaanka.

Hadalkan ayaa jawaab u ah maalmihii u dambeeyay oo la hadal hayay wasiirkii awoodda badna ee madaxtooyada xukumaddii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo dalka ku soo laabtay. Xaashi waa ninkii ugu cadcaddaa loolanka kursiga guddoomiyaha Madaxweyne Biixi dabadii waxaana si weyn loo dareemayay qalqaaladiisa ka hor doorashadii iyadoo mararka qaar ay miiska saarnayd in uu kursiga la wareegi doono inta aan doorashadii la galin laakiin, arrintaasi aanay suuro galin.

Axaddii wargeysyo dhawr ah oo xukumadda madaxweyne Biixi u janjeedha ayaa warkooda ugu sareeya ka dhigay eedo culus oo ka dhan ah Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Boqor Cismaan Buurmadow kuwaas oo lagu eedaynayo in ay daaha dabadiisa ka hagaan dagaalka beelaha wada dega Ceelafweyn dhex mara ee soo noqnoqda. Eeddan oo culayskeeda leh wax caddayn ah lama raacin waxaana xusid mudan in Axmed Cabdi Dheere shirkiisa jaraa’id ee maanta kaga hadlay baaq ku saabsan beelaha dagaallamay oo uu nabad ugu baaqay.

Dadka siyaasadda Somaliland odorosa ayaa eedda culus ee loo jeediyay Buurmadow oo dhawaan madaxweynaha u diray farriin ah in ay kursiga guddoomiyaha ku soo wareejiyaan beeshiisa iyo Xaashi oo kursigaa u xusul duuban ay tahay mid ay xukumaddu soo maleegtay taas oo u muuqata dagaal cad oo loola badheedhay xubnahan dhaqdhaqaajinaya kursiga Madaxweyne Biixi ku fadhiyo.

Wararka laga helayo Mr Xaashi ayaa sheegaya in uu todobaadkii u dambeeyay ku mashquulsana kulamo uu waxgaradka beeshiisa la leeyahay iyo shir doceedyo uu la qaatay xulufadii uu soo gacan qabtay ee xukumaddii hore ee Kulmiye. Hase ahaatee waxaan la ogayn saamaynta uu yeelan karo Mr Xaashi maaddaama hoggaanka Kulmiye yihiin niman xilal haya inta kalena raacsan tahay Madaxweyne Biixi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here