Kulmiye Oo Eedeeyay Jaamac Shabeel

0
400 views
Kulmiye Oo Eedeeyay Jaamac Shabeel

Kulmiye Oo Eedeeyay Jaamac Shabeel

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiye xigeenka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa jawaab siiyay guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo shalay sheegay in aanay 90% golaha wasiirradu aanay ka soo jeedin Kulmiye islamarkaana aanu wajiyadooda garanayn.

Xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay Jaamac Shabeel in uu si gaar ah wax u tirsanayo waxaanu ammaanay wasiirrada xukumadda oo uu sheegay in ay 95% ka soo jeedaan xisbiga Kulmiye, islamarkaana aanay wax dhalliil ah lahayn lix bilood oo ay shaqaynayeen.

Arrintan ayaa u muuqata muran ka dhex taaggan hoggaanka xisbiga Kulmiye inkasta oo dhawr goor Jaamac Shabeel sheegay in aanu kursi wasiir rabin haddana luuqada uu madaxweynaha kula hadlay iyo saluuggiisa wasiirrada ayaa u muuqda in xisbigu jid cusub qaaday.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.