Kulmiye Oo Barnaamujkiisa Ololaha Ku Qoray ‘Waxbarashadan Bilaash Ka Dhigay’ iyo Xaqiiqada Jirta

0
29 views

Hargeysa(Sayruuq) Bishii December ee 2016 ayuu Wariye Khaalid Foodhaadhi oo warbaahinta Somaliland ka hawlgala magaalada Hargeysa ku waraystay waalidiin culays ka haysto lacagta laga qaado dugsiyada dawliga ah ee hoose/dhexe oo xukumadda Madaxweyne Siilaanyo 2010 sheegtay in ay bilaash ka dhigtay. Musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo cabashada ka jawaabaya ayaa lacag guddoonsiiyay qoyska cabanayay waxaana arrintaas ka dhashay buuq siyaasi ah. Wasiirka waxbarashada oo xilligaasi ka hadlayay arrintan waxa uu sheegay in aanay sharciyan ogayn lacag la qaado, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay borobagaando.

Bishii July barnaamijka waayaha nolosha ee BBC Media Action waxaa diiradda lagu saaray maxaa ka hirgalay dhawaaqii Xukumadda Kulmiye ku shaacisay 2010 in waxbarashada dugsiyada hoose dhexe lacag la’aan laga dhigay? Waalidiinta lagu waraystay barnaamijka ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ardaydu lacag la’aan ugu dhigteen dugsiyada dawliga ah laakiin, intii dambe ay bil walba lacag bixinayeen.

Haseyeeshii xisbiga Kulmiye ayaa 12-kii bishan soo bandhigay buuggiisa xambaarsan qorshaha ololaha xisbiga ee 2017-2022. Inkasta oo laga yaabo in khubarada diyaarisay barnaamijku maqlaysay doodaha ka taaggan ma hirgalay qorshihii bilaashka lagaga dhigay waxbarashada hoose dhexe? Haddana si indho la’aan ah ayaa waxqabad lagu faano looga dhigtay in dugsiyada dawliga ahi bilaash yihiin “Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa waxbarashada furaha horumarka jamhuuriyadda Somaliland. waxbarasha la’aani waa iftiin la’aan. Xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayay wuxu lacag la’aan ka dhigay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee dalka,” Sidaas ayaa lagu yidhi bilawga bogga 13-aad ee buugga Kulmiye oo ku saabsan qorshaha xisbiga ee waxbarashada

Xaqiiqada Dugsiyada Hoose/dhexe

Hinda Maxamed Cabdi oo ka mid ah waalidiinta reer Hargeysa ayaa la waydiiyay sida ay u arkaysay dhawaaqii 2010 xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sheegtay in dugsiyada dawliga ah bilaash lagaga dhigay waxaanay ku jawaabtay “Waan ku faraxsana sababta oo ah carruur baan haystay aan aniga oo kaliya u shaqeeyo maaddaama aan kaligay u shaqeeyo wax ii soo kordhay oo wanaag ah ayaan markii u arkayay laakiin, may noqon,” Sidaas ayay tidhi Hinda oo intaasi raacisay lacagta laga qaado ubadkeeda “Awlaad markii ii dhiganaysayna way jirtay imikana qaar baa iigu kordhay, marka afar carruur ahi markay ii taggaan(Iskuulka) ee afartiiba min labaatan kun(SLSh 20,000) la I waydiiyo ee malcaamadihii dheer yihiin, buuggii dheer yahay, mafiiqdii dheer tahay, maydhidoodii dheer tahay ee Arbaca wax ay ku sheegan dheer tahay dee wax bilaash ahi marka meesha ma jiraan,” Sidaas ayay tidhi Hinda oo BBC-da u warramaysay.

Cumar Maxamed Mooge oo isna ka mid ah waalidka carruurtoodu dhigato dugsiyada dawladda ee Hargeysa ayaa sheegay in SLSh 20,000 laga qaado ardayga, islamarkaana ay ku farxeen qorshihii xukumaddu ku dhawaaqday laakiin, aanay noqon wax hirgelay. Qorshahan ayay waalidiintu sheegeen in uu ugu badnaan muddo lix bilood ah shaqeeyay laakiin, intaas ka dib la waydiinayay lacagta iskuulka lagu dhigto “Macno kale looma sameeyo ee dugsiga lacagtiisii soo dhiiba ayuun baa ardayda lagu yidhaahda anagana nalagu yidhaahda,” Sidaas ayay tidhi Hinda oo la waydiiyay in lacagtan lagu sheego waxyaabo kale oo iskuulku u baahan yahay iyo in ay tahay bisha ardayda.

Qorshahan xukumadda Kulmiye shaacisay bilawgii muddo xileedkeedu wuxuu qayb ka ahaa rabitaanka dunida ee ku xusna hiigsiga dunida oo ahaa in 15-ka sanno ee 2000 ilaa 2015 la gaadho in dunida oo dhan waxbarashada hoose dhexe(primary education) laga dhigo bilaash. Hiigsigaasi ayay Qaramada midoobay sheegtay in uu ka hirgalay badi dunida.

Hase ahaatee dhawaaqii xukumadda Kulmiye ayaa u muuqda in uu ka mid noqday go’aammo badan oo xukumaddu shaacisay laakiin, hal bacaad lagu lisay noqday. Waxa ka mid ah go’aankii lagu joojiyay bacaha iyo go’aannadii xukumaddu ku xallinaysay sixir bararka oo aan midkoona noqon hirgal. In Kulmiye ololaha ku galo waxbarashada bilaash ah waa mid u qaadan waa ku noqonaysa waalidiinta bil walba ubadkooda lacagta ka bixisa iyo dadka fahansan in aanay jirin waxbarasho bilaash ah.

Hargeysa-Somaliland

Faallada Sayruuq

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.