Kulanka Doorashada Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Furmay

0
656 views
Kulanka Doorashada Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Furmay

Kulanka Doorashada Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Furmay

Kulanka 36 xubnood ee golaha fulinta xisbiga isbahaysiga talada Itoobiya haya ee EPRDF ayaa shalay ka furmay Addis Ababa. Guddidan awoodda badan oo ka soo kala jeeda xisbiga Oromada, xisbiga Amxaarada, xisbiga Tigrayga iyo xisbiga bulshada koonfurta ee ku bahaysan EPRDF ayaa la filaya in ay isla meel dhigaan guddoomiyaha xisbiga oo noqonaya ra’isal wasaaraha Itoobiya kaas oo la hor gayn doono kulan xiga oo golaha dhexe ee xisbigu yeesho.

Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa ku warramaysa in hoggaamiyeyaasha xisbiyada Oromada iyo Axmaarada oo ah labada qoomiyadood ee ugu badan Itoobiya yihiin kuwa ugu cadcad in ay noqdaan hoggaanka Itoobiya iyada oo si weyn loo hadal hayo guddoomiyaha xisbiga Oromada Dr Abiy Axmed Cali.

Kulanka Doorashada Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Furmay

Kulanka ayaa sidoo kale lagu qiimaynaya wax qabadka xisbiga isbahaysiga iyada oo si gaar ah loo qiimaynayo waxqabadka xisbi walba gaarkiisa. Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in lagu soo qaadayo xubnaha baarlamaanka ee Oromada oo ka codeeyay xaaladda degdegga ah ee dalka la galiyay.

Kulanka Doorashada Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Oo Furmay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyay xaaladda Itoobiya mar uu waraysi siinayay telefishanka Horn Cable waxa uu sheegay in xisbiga talada haya u fadhiyo xalinta arrimaha taaggan “Siyaasadaha dawladaha gudahooda ah iyaga dantooda og. Waxaan u arka xisbigii baa fadhiistay, wuu fadhiya, ra’isal wasaarihii ba istiqaalad keenay waanay ka aqbaleen, xisbigii ayay tahay in uu soo saaro ciddii noqon lahayd ra’isal wasaare isaga oo majooratiga watta, baarlamaankana la geeyo oo ansixin doona, marka hannaankaas ay ku raageen wuxuun bay ila tahay wax uun bay bislaynayaan. Waa dawlad badan, xisbigoodu waa afar xisbi oo isku tagay marka hawl yar oo dhakhso loo dhammayn karo maahee waxay ila tahay Itoobiya waa dawlad weyn oo dhisan waxay ila tahay in ay hawsheeda ku filan tahay oo ay dhammaysan karto, dalkana waxa u dan ah in ay hawshooda dhammaystaan, Geeska Afrikana waxa u dan ah in ay hawshooda dhammaystaan, taasna waan rajaynaya in ay sidaas ku dhammaystaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.