Kulan Siyaasi Ah Oo Dhexmaray Somalia, Itoobiya Iyo Jabuuti

0
670 views
Kulan Siyaasi Ah Oo Dhexmaray Somalia, Itoobiya Iyo Jabuuti

Kulan Siyaasi Ah Oo Dhexmaray Somalia, Itoobiya Iyo Jabuuti

Waxa magaalada Kigali ee dalka Ruwaanda ku kulmay wasiirrada khaarajiga ee wadamada Itoobiya, Djibouti iyo Soomaaliya, wakhti ay taagantahay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiska dekedda Berbera ee saddex geesoodka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mr. Axmed Cawad ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Labada wasiir ayaa ku kulmay shir ay kaga wada qayb galeen Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan kulankaas, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wasiirradu ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga. Ma jirto wax war ah oo ay Itoobiya ka soo saartay kulankaas uu wasiirkeeda khaarajigu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Geesta kale, Warbaahinta Itoobiya ayaa ka hadashay kulan isna isla shirkaas ku dhex maray wasiirada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Djibouti. Warbaahintu waxay ku soo koobtay kulankaas inay kaga wada hadleen danaha labadaas dal.

Laakiin kulamadan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay gobalka ka istaadhantahay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera ee dhex maray Itoobiya, DP world iyo Somaliland, kaas oo ay dawladda Soomaaliya cambaaraysay. Dawladda Djibouti ayaa iyana sheegtay inay la yaabtay islamarkaana aanay jeclaysan wakhtiga lagu beegay heshiiska ay Itoobiya qaybta ka tahay oo la saxeexay laba maalmood ka dib markii ay Djibouti dalkeeda ka saartay DP world.

Si kastaba ha ahaate, kulamadan ayaa u muuqdo kuwo ugu yaraan lagaga hadlay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera oo aanay  dawladaha gobalka gaar ahaan Soomaaliya iyo Djibouti soo dhawaynin. Lamana garan karo xogaha ay dawladda Somaliland kulamadaas diblomaasiyadeed ka hayso.

Xigasho: Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.