“Kufsi & Jidhdil Baa Ka Dhaca Jeel Ogaadeen,” HRW

0
280 views

“Kufsi & Jidhdil Baa Ka Dhaca Jeel Ogaadeen,” HRW

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa faahfaahin ka bixinaysa sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jidhdilka ugu gaystaan islamarkaana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkaana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyu ay ka geysteen “jeel ogaadeeniya” .

Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xidho xabsiga “jeel Ogaadeeniya” ay yihiin kuwa lala xidhiidhiyo in ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF oo ah mucaarad dalkaasi laga mamnuucay.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa wareysiyo ka qaaday in ka badan 100 qof, oo intooda badan ka mid ahaa maxaabiistii Jeel Ogadeeniya ku xidhneyd sanadihii u dhaxeeyay 2011 iyo 2018.

Dhibanayaashani ayaa ka sheekeeyay sidii loogu hor garaaci jiray maxaabista kale hortooda iyaga oo qaawan.

Mid ka mid ahaa maxaabiistii horey halkaasi ugu xidhnaa ayaa sheegay in muddo 3 sano ah kaligii uu qol ku xidhnaa islamarkaana markii habeenkii la gaadho la soo bixin jiray si loo jidhdilo.

Saraakiisha booliiska ayaa lagu eedeeyay in aanay amri jirin oo kali ah jidhdilka iyo kufsiga, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan jireen.

Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhasheen xabsiga Jeel ogaadeeniya islamarkaana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayeen kuwa dhashay ka dib kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

Aqlabiyada maxaabiista ay wareysiyada ka qaaday Human Rights Watch ayaa sheegay in aan waligeed aan maxkamad la soo taagin oo aan dacwad lagu soo oogin.

Hay’adda Human Rights watch ayaa intaa ku dartay in jidhdilka uu yahay dhibaato ka jirta dalka Itoobiya islamarkaana ay soo gaaraan maalin waliba warbixinno ka hadlaya tacadiyo.

Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa qiray in ciidamada ammaanka ay jidhdil u gaysteen dad Itoobiyaan ah.

Waxaa imika sii kordhaya baaqyada ku aadan in cadaaladda la horkeeno oo lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay tacadiyadan xabsiyada lagu gaystay.

Source: BBCSomali

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.