Ku: Dhaqaalayahanada iyo Aqoonyahanka

0
142 views
Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?
Prof Cabdi Cali Jaamac

Ku: Dhaqaalayahanada iyo Aqoonyahanka.

Waa Maxay Siyaasadda Dhaqaale ee Miisaaniyadda 2019 ka Turjumaysaa?!!!

Haddii ciidanka M/tooyadu ka miisaniyada badan yihiin dhawr wasaaradood oo la isku daray; dhinaca kale, miisaaniyadda Madaxtooyada lafteeda oo aanay ku jirin miisaaniyadda ciidamada madaxtooyadu, immisa wasaaradood ayay iyaduna ka miisaaniyad badan tahay?!!!

Anigu intii aan dhegaystay maan maqal meel wasaaraddu ku sheegtay siyaasadda dhaqaale ee miisaaniyaddu ku fadhido; siyaasadda dakhliga ayaan maqlaayay; taasina waa isla miisaaniyadda lafteedii.

Illaa intii aynu waddanka soo galnay, waxa la soo gudbinayay miisaniyad aan anigu u aqaano miisaaniyadda xisaabiyayaasha; wali ma hayno miisaaniyadda dhaqaale yahanada.

Sidaynu kor ku soo xusnay, waxan la yaabay wasaaradda madaxtooyada oo la baa’biiyey in haddana la libinlaabay saamigeedii; intaa waxa dheer miisaaniyadda ku baxaysa ciidanka M/tooyada oo ka badan dhawr wasaaradood oo la isku daray kharashkooda. Waxan soo jeedin lahaa in golaha wakiiladu si ceeb la’aan ah u waydiiyaan xukuumadda in lacagta intaa le’eg la siin karayo oo ay uga go’itimayso miisaaniyadda iyo dhaqaalaaha yar ee wayda ah.

Waxa kale oo aan kula talin lahaa golaha wakiilada in ay si fiican isu dul taagan dhinaca dakhliga, taasoo aynu ognahay in wasaaradda maaliyaddu iska kordhiso cashuuraha alaabta ay doonto, markay doonto, intay doonto; mararka qaarkood si lacag urursi ah, oo aan u tudhayn dhaqaalaha dalka iyo dadka; haddaba, in badan baa la isku qabsaday yaa awood u leh kordhinta cashuurta; waxan soo jeedin lahaa in arrinkaa meel la saaro maanta; haddii kale hadhaw ha ka daba buuqina ragga.

Khalad marjuuc; bal ila eega, yaan iska toocsane.

Cabdo; macallinka dhaqaalaha.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.