Ku: Dhammaan Garyaqaanada iyo Aqoonyahanka

0
Ku: Dhammaan Garyaqaanada iyo Aqoonyahanka

Ku: Dhammaan Garyaqaanada iyo Aqoonyahanka

Go’aanka Wasaaraddu Ku Joojisay Bixinta Ruqsadda Dugsiyada Gaarka Ah Iyo Kalmaddii Maanta Ee Dadka Bukaanaka ah ee Dibadda Loola Cararo!!!

Waxan si fiican u akhriyay Xeerka Waxbarashada N0:77, ee dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen, ee laynoo sheegay in wareegtadu ka duushay; Waxan ka waayay haba yaraatee in Wasaaraddu awood u leedahay in ay si guud u xidho ama bannado ruqsadda furashada Dugsiyo gaar ah dalka oo dhan; si joogto ah iyo si ku meel gaadh ah midna.

Waxay tani ka hor imanaysaa ruqsadda guud ee Xeerka NO: 77, ku ogolaaday furashada Dugsiyo Gaar ah (private schools). Sharcigaa Ruqsadda Guud bixiyay; markaa si Guud looma xidhi karo dalka oo dhan; This is for me; a head on collision.!!; Xeer nidaamiyaha lagu sheegay wareegtaduna waa in aanu duqayn Xeerka No:77. Waxay tani la mid tahay Wasaaradda Ganacsiga oo Tidhaa illaa amar danbe lama furan karo shirkad ganacsi,dalka oo dhan, laga bilaabo maanta; ma sharcibaa?

Wuxu sharcigu ku xidhay furashada dugsi gaar ah (Private school) shuruudo adag oo awood u siinaya wasaaradda in ay u diido ruqsadda kii ay garan waydo; laakiin awooddaasi waa calaa iskuul; macnaha awood looma siin in ay soo rogto amar ay si guud u joojin karto furashada dugsiyada.

Markaa haddii aynu shuruudahaas fulin kari waynay, oo maalin walba la furayo iskuulo aan buuxin shuruudahaas sharcigu jideeyay, maxaynu isugu qaadaynaa gidaar ka, oo ah xidhista furashada dugsiyada oo dhan; waxay u dhawdahay, aniga qiyaastayda, in aynaan fulin karin tanna, mar haddii aynu fulin kari waynay tii ka fududayd!!

Dhinaca kale, waa arrin fiican in bukaankeena, madax iyo mijo ba, meel lagu wada daweeyo; waxase aynaan ka hor iman karayn xorriyadda Dastuurkeenu siiyay qofka muwaadinka ah, taasoo muwaadinku uu adeeg waxbarasho, caafimaad ama dukaamaysi u tagi karo meeshuu doono, dalka dibaddiisa iyo gudahaba; markaa ceeb la’aan, miyaanay taasi ka hor imanayn xorriyadaha iyo xuquuqda Dastuurkeenu siiyay qofka muwaadinka ah?.

Mid kalena ku darsoo, haddii uu qofku bukaan noqdo , oo xaalkiisu gaadho dibadda ha loo qaado, talada waxa markaa inteeda badan iska leh qoyska bukaanka; Muslin iyo Gaal waa sidaa sharcigu; waana la wada yaqaanaa.

Ugu danbayntii, madaxda oo kaliya ma aha ee ganacsatada laftooda iyo ciddi awooddaaba waxay u doontaan caafimaadka dalka dibaddiisa; ka lala cararayo isagu waa gaar, sidaynu soo sheegnay. Si kastaba ha ahaatee haddii aynu hagaajino adeeggeeena caafimaad, shaki la’aan madax iyo mijo; nin ladan iyo nin faqiira ah waxaynu isticmaali doonaa cisbitaaladeenna; haddii kale waynu eegi!!!!

NB: Ha loo soo noqdo Sharciyadda. oo aan joojino Gole-ka- fuulka.

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.