Korodhka Kaarka Sixir-bararka:W/Q Yaxye Xanas

0
461 views
Korodhka Kaarka Sixir-bararka:W/Q Yaxye Xanas
Sawir hore

Korodhka Kaarka Sixir-bararka:W/Q Yaxye Xanas

Ma ogtahay in sixir bararka iyo sarif-bararka Somaliland uu sii kordhayo maalinba maalinta kasii dambaysa iyo sannadba ka kasii dambeeya! Haa dabcan, Taas waa uu dareemayaa shaqsi kasta oo ku nool JSL gudaheeda. Waxaanu ka dareemayaa kor u kaca doolarka iyo hoos u dhaca xawliga ku socda ee Shilinka. Taasi oo saamayn taban ku leh maciishada oo qaaliyowda iyo nolosha oo adkaata oo saamayn aad u xun ku yeelata bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba dadka uu liito dakhligoodu sida Askarta. Xukuumadihii kala dambeeyay haddii aynu dib u eegno sixir-bararku heerka uu marayay waxay ahayd dawladdi Madaxweyne Riyaale 3% halka dawladdi Madaxweyne Siiraanyo ay kaga tagtay 33%! Haddaba aragtidayda, kor u kacaas baaxadda leh sababo waaweyn oo baddiba maankeena ka guuxa ayaa jira oo ay ka mid yihiin:
• Wax-soo saar la’aanta waddankeena iyo lacagta cad oo toos inooga baxda
• Lacagta adag ee inooga baxda Qaadka una talowda Itoobiya
• Daabacaadda Lacagta Shilinka ee ay fuliyeen Wasiiraddii u kala dambeeyay sida Wasiiraddii hore ee C/Casiis Maxamed Samaale iyo Sam Sam Cabdi Aadan
• Hawl-gabka Baanka dhexe ee JSL oo ku dhacay inuu maareeyo sixir-bararka oo u sameeyo daraasado iyo ficilo lagu xakamaynayo sixir bararka iyo maamulka shilimaadka ama lacagteena si loo saameeyo suuqa.
• Isticmaalka adeega Zaadka iyo E-dahabka habka isku diridda/xawilaadda doolarka
• Ismaamulka suuqa iyada oo suuqeena aanu gacanta ugu jirin dawladda balse ay maamulaan Ganacsatada sida sariflayaasha iyo shirkaddaha waaweyn.
• Hakadka ku yimi dhoofintii xoolaha Nool oo aynu ka heli jirnay lacag adag
Dhanka kale, waxaynu maalmahanba baraha bulshadda kala wada soconaa qoonsi ku aadan shirkaha isticmaala adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee Telesom iyo Somtel iyadda oo lagu caydhsanayo inay ka dambeeyaan sixir-bararka iyo nolosha adag ee aynu sii jibaaxayno beryahan dambe. Haddaba Akhriste aynu qaadano qodobkan qaska iyo jahwareerka inagu riday ee adeegyda Zaadka iyo E-dahabka. Sida aynu ogsoonahay, xukuumaddi hore ee u gadh-wadeenka ka ahaa Madaxweyne Siiraanyo ayaa amarro deg-deg ah kusoo rogtay adeegyadan si wax looga qabto sixir-bararka, hasayeeshee ma ay noqon xal. Sababaha fashiliyayna waxa ka mid ahaa in aan la samayn warbixin rasmi ah, indhaha oo laga laliyay sababahaas waaweyn ee aynu kor kusoo xusnay, Wada-tashi la’aan lagu naaqishayo sida ugu haboon ee lagaga bixi karo iyo danihii siyaasadeed iyo kuwii ganacsi oo is-jiidhay mudaddi uu xilka hayay Madaxweyne Axmed Maxamud Siiranyo.
Iyadda oo ay sidaas tahay, oo sixir-bararkiina ooda sii jabsanayay, abaaro iyo doorashooyinkii kadib, Waxaa halkii kasii socday fulinta awaamiirtii xukuumaddi hore ee Kulmiye isaga oo Madaxweyne Muuse Biixina weli xalka u arka in Sixir-bararka looga bixi karo isla xeeladdii xukuumaddi hore.

Halkaas markay marayo anigoo aragtidayda cabiraya aan si sar-ka xaadis ah u eegno Adeega xawilaada lacagta ee moobilka iyo faa’iidooyinkeeda:
• Si dad-ban ayay dhaqaalaha kor ugu qaadaa (indirect economic growth)
• Shaqo-abuur (job opportunities )
• Adeegsiga lacagta oo qoto-dheerataa kuna faafta bulshada (Increased financial deepening)
• Isticmaalka lacagta ee loodhanyahay ( Financial inclusion)
• Taageeridda iyo casriyaynta lacag isticmaalka (support of innovation)
Waxa xusid mudan in Hantiilaha ugu qanisan caalamka oo idil Mr. Bill Gate uu Jsl iyo Shirkadii u horeysay ee hirgelisay nidaamka xawilaadda lacagta ee TELESOM ku amaanay hanaqaadka iyo horumarka ay ka sameeyeen adeega ZAADka mar uu khudbad ka jeedinayay shirkii weynaa ee SIBOS oo ka dhacay magaalada Boston sanaddii 2014. Waxa uu mar kale isla ammaan usoo jeediyay SOMALILAND isaga oo usoo jeediyay dawladda Hindiya inay raacaan talaabooyinka dawladda curdinka ah ee Somaliland ku taabo gelisay adeega ZAADka oo ay ikhtiraacday TELESOM. Kabacdina ay sidoo kale ikhtiraacday DAHABSHIIL adeega la midka ah ee E-DAHABKA. Sida aad ka aqrin karto tixraaca hoos ku xusan.
Dhanka kale, adeegsiga lacagta moobilku inagu keli maaha ee waxa laga adeegsadaa dawladdaha caalamka qaarkood iyo Geeska Africa badidooda sida KENYA oo isticmaasha M-PESA. Dawladda Kenya waxay maaraysay isticmaalka Adeegan oo ay ka dhigtay mid ay kasoo gasho cashuur aad u badan. Waxa laga qaada 6% xawilaadaha adeegyada, taas oo cashuurta kasoo xarootaa ay buurantahay marka la eego ku dhawaad 40 Million ee kunool waddankaasi.
Haddaba doodu waxa ay tahay, Sidee bulshada, xukuumadda iyo shirkaddaha adeegyadan bixiyaaba uga wadda shaqayn karaan in guul laga gaadho xal u helida sixir bararka iyo samato-bixinta bulshada la ildaran aafada shilin-bararka!
Xukuumadda:
• In deg-deg loo sameeyo cilmi baadhis iyo wada-tashi bulsheed oo si cilmiyaysan wax la iskaga weydiiyo sababaha ugu tunka weyn ee sixirbararka iyo siyaabaha ugu haboon ee looga bixi karo
• In la unko shuruucdii lagu xakamayn lahaa sixir-bararka laguna maamuli lahaa shirkaddaha iyo adeegyada kala duwan ama la fuliyo haday jiraanba
• In la tayeeyo lagana shaqaysiiyo hay’addihii fulinlahaa sharciyadda sida Baanka dhexe
• Inay u meel daydo go’aamadda kasoo baxaya oo ay noqdaan kuwo ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo, wada-tashi xukuumadda iyo daneeyaasha, dhex-dhexaadnimo iyo daacadnimo ku dheehantahay.
• In ay xukuumaddu ka feejignaato Dagaalka ganacsi ee ka dhex oogan shirkaddaha kala gedisan

Bulshadda:
• In aan shirkaddaha iyo xukuumadda midna lagu difaacin loona mucaaridin hab-qabyaaladaysan waayo inaad xalka sii fogayso mooyee naftaadda, qabiilkaaga iyo qarankaaga midna waxba umaad tarin!.
• Inaan la dafirin xaqiiqooyinka jira oo toos looga fal-celiyo is-ka kaashiga waxkaqabashada baylahda jirta ee aan lagu foog-naan curyaaminta iyo cayda caadadad inoo noqotay ee baraha bulshada loo marinayo Xukuumadda iyo Shirkaddaha midnaba.
Shirkaddaha:
• In la fuliyo awaamiirta dhugmona u yeeshaan baaqyadda wax ka qabashada sixir-bararka ee ku aadan doorkooda looguna danaynayo shicibka
• Inay bulshada tixgelin , ahmiyad iyo ka warqab duruufahooda iyo cabashooyinkoodaba siiyaan si ay kor ugu sii kacdo kalsoonidda ay u qabaan macaashiidu
• In la kala saaro siyaasadda iyo ganacsiga oo shirkaddaha qaarkood ka waantoobaan ka faa’idaygiga nidaamka dawladeed ee jilicsan iyo nidaamka qabaliga ahba.

Intaas ayaan kusoo afmeerayaa kelmaddaydan ku aadan sixir-bararka. Haddii aynaan xaqiiqda ka garaabin oo aan aafadda sixir-bararka bartuu fadhiyo loogu tegina waxa uu xaalkeenu noqonayaa heestii Khadra daahir ee” Cudurka kaa gala Fardaha haddii laga gubo Dameer dawadda lama Gaadhayeee……”

Wabilaahi Tawfiiq
W/Q: Yaxye Maxamed Cabdi (XANAS)
Contact: xanas08@gmail.com or +252 63 4772121

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here