“Kornaylada Jooga Waa Been Farriinkay Waligood Samayn Jireen,” Xildhibaan Siciid

0
556 views
Soomaaliya Oo Xafiis Dawli Ah Ka Furatay Hargeysa

“Kornaylada Jooga Waa Been Farriinkay Waligood Samayn Jireen,” Xildhibaan Siciid

Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa si kulul u dhalliilay go’aanka xukumaddu dorraad ugu diiday madaarka Hargeysa diyaarad siday in ka badan 50 dhalinyaro Somaliland ah oo laga soo celiyay Liibiya lana soo mariyay Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin in dhallinyaro dirqi lagaga soo furfuray magafe laga celiyo dhulkooda kadibna laga dejiyo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaanu ku baaqay in maareeyaha hay’adda duulista tallaabo laga qaado.

Maareeyaha hay’adda duulista Mr Rodol ayaa shalay ku dooday in diyaaraddu aanay wax ogolaansho ah ka haysan Somaliland markii dambena hay’adda IOM oo ka shaqaysay soo celinta dhalinyaradu kala hadashay in loo ogolaado keenistooda magaalada Hargeysa oo ay shalay galab soo gaadheen.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.