“Kor Baanu U Haynayna Soomaalinimada,” Madaxweyne Cagjar

0
277 views
“Kor Baanu U Haynayna Soomaalinimada,” Madaxweyne Cagjar

“Kor Baanu U Haynayna Soomaalinimada,” Madaxweyne Cagjar
Jigjiga(Sayruuq) Madaxweynaha gobolka Soomaalida ayaa ka hadlay bedelaadda calanka iyo magaca degaanka kadib markii kulan baarlamaanku shalay ku yeeshay Jigjiga lagu ansixiyay magaca iyo calanka uu yeelan doono gobolku.

Madaxweynaha oo ka dareen celinayay go’aanka baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay calanka dhinaca ku leh calanka Soomaaliya oo ay ku taallo xidig u taagan shanta Soomaaliyeed “Waxaan Mahad Balaadhan u Celinayaa Baarlamaanka Deegaanka sida Sharafta leh ay u ansixiyeen in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta shanta soomaaliyeed,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

“Waanu soo celinay; mana jiraan wax iska hor keenaya dhalashadayada Soomaalinimo iyo muwaadinimadayada Itoobiyaanimo. Anaga oo ku faraxsan kor baanu u haynayna astaamaha Soomaalinimo iyada oo aan waxba ka nusqaaminayn masuuliyaddayada Qaran. Waxaanu nahay Gobolka Soomaalida iyada oo aan waxba laga horaysiin waxna laga dambeysiin, waxaanu soo celinay calankayagii hore,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

Gobolka ayaa hore loo odhan jiray Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) halka hadda laga tagay Itoobiya oo ah arrinta madaxweynaha cusub ka soo horjeedo isaga oo hore ugu dooday in aan gobollada kale ee Itoobiya la raacin Itoobiya sida gobolka Oromada ama kan Axmaarada iyo kuwa kaleba.

Isbedelka Calanka iyo magaca waxa hore u sameeyay madaxweynihii talada lagu tuuray lana xidhay ee gobolka tobaneeyo sanno ka arriminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.