Kooxda Gooddir Oo Ku Guulaysatay Koobka Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Caasimadda Hargaysa

0
28

Hargaysa(Sayruuq)-Kooxda Ciidanka Booliska ayaa Galabta ku Guulaysatay Koobkii Tartanka Ciyaaaraha Heerka 1aad ee Caasimada Hargeisa, Kadib markii ay 5-4 kaga Guulaysteen Kooxda Duulist iyo Hawadda.

Ciyaartan oo ahayd mid xiisaheedda leh, iyaddoo ay garoonka soo buux-dhaafiyeen taageerayaal xamaasaddaysan oo kala safnaa labadda Kooxood ee Gooddir Iyo Duulista Hawadda, ayaa Ciyaar aad u adag oo weerar iyo weerar celis ah, waxa ay guushu raacday Kooxda Gooddir oo ku ciyaaraysay magca Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa Ciyaartaas kama danbaysta ah ka soo qayb-galay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Wasiirka Madaxtooyadda, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawadda, Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here