Khudbadii Muuse Biixi ee Maalinta Haweenka

0
874 views
Madaxweyne Muuse Muxuu Ku Sheegay Cabirka Shaqa La`aanta Dhallinyaradda

Khudbadii Muuse Biixi ee Maalinta Haweenka: Marku Soomaaliya Cadaalad Darro Ku Maagaayay Foolxumada Somalilad Iyo Hoostiisa Taala Muu Eegin???.

Khudbadi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee xuska maalintii Haweenka, (International Women’s) anigu waxaan kamid aha Dadka aan u gobin sidi ciilqabka ahayd ee Madaxweynuhu ugu dheeraday u jawaabida Madaxda Soomaaliya, marka la eego meeqaamka Madaxweyne waxan rumaysnahay inuu si hufan u garnaqsan karaayay isagoo xaragoonaaya oo aan Haweenkana ka oohin.

Khudbadii Muuse Biixi ee Maalinta Haweenka

Kuma dheeraanayo Madaxweynaha wixii laga filaayay ee ahayd sharaxaada heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo Imaraadka. Waddan kasta oo Caalmaka ka tirsani heshiis uma galo waxa diidan Dawlad heblaayo marka waa iidan, balse shacabkiisa faa’iidada uga imanaysa iyo badhaadhaha uu leeyahay in loo sharxo ayaa ka muhiimsan in lagu qiimeeyo aragtida Wadamo siyaasad ahaan is diidani bixiyaan heshiiska., haddii aynu Soomaaliya haysano dee Jabuuti-ba heshiiska DP World dagaal ayay kula jirtaaye muu Madaxweynuhu ka hadlo Ileen gari allay taqaanaaye.

Waxaanse aniga khudbadii Madaxweynaha isoo jiitay weedhi saami qaybsiga ee uu Madaxweyne Biixi la yaabka ka muujiyay inay Soomaaliya waagi laysku biiray sidaa samaysay wuxuuna yidhi .

“Waa tii uu Aadan-cadde ku saxeexay ee uu ku yidhi, haddii aad noo timaadeen gobollada Waqooyi-yow Caasimaddii annagaa leh, Ra’isal wasaaraha annagaa leh, Labada Taliye-ciidan annagaa leh, guddoomiyaha Baarlamaanka annagaa leh, safiirradana annagaa wada leh, wasiirrada laba mid qaata, waana halkii uu ka curtay saluuggii koowaad.” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Muuse Buux Cabdi.

Madaxweynaha waxan waydiin laha amma mudan inuu hoostiisa eego, haddii saamiga sidaa ahi xanuun ku aha ummadda Somaliland oo ay ka dagaalameen maxaynu innagu u samaynaynaa wax lamid ah wixii foosha xuma,?? waliba adigoo SNM aha, adigoo xogogaal u aha wixii Dalka ka soo dhacay adigoo ku ololeeyay doorashadii cadaalad iyo sinaan maxaad sadbursiimaha u samaysay.? Ma xaqbaa in Beesha dhexe amma Isaaqu wada qaato.

Madaxweynihii Dalka
Guddoomiyihii Maxmadda Sare .
Guddoomiyhii Guurtida.
Taliyihii Ciidamadda Qaranka.
Taliyihii Ciidamadda Booliska
Ku-xigeenadoodi.
Taliyihii Sirdoonka Qaranka .
Taliyihii Ciidamadda Dabdamiska.
Taliyihii Ciidamadda Taraafiga.
Wasiirkii Maaliyada.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda
Wasiirkii Xoolaha & Kaluunka
Wasiirkii Arrimaha Gudaha
Wasiirkii Warfaafinta .
Wasiirkii Qarsoona Ee Madaxtooyada
Wasiirkii Qarsoona ee Duulista
Wasiirkii Qarsoona ee Dib-dajinta
Madaxdii Baanka Dhexe.
Maareeyihii Dekedaha
Wasiirkii Caafimaadka .
Wasiirkii Wadooyinka.
Dhammaan hay’adihii madaxa banaana.
Safiirkii Itoobiya.
Safiirkii Imaraadka.
Safiirkii Ingiriiska,
Safiirkii Maraykanka .
Safiirkii Midawga Yurub
Dhammaan Safiiradii waxba haka reebin qof rer kale ahi kuma jiro wakiilada debadda ee Somaliland.

Badhasaabadii Dalka oo dhan. Hargaysa, Ceerigaabo, Togdheer, Awdal, marka laga reebo midhka Saaxil .

Madaxweyne taasi ma cadaaladba,? Dalka ma qolo qudha ayaa leh . Maxaad ku maagaysa Aadan Cadde iyo wixii Soomaliya ka dhacay maanta ayay Somaliland ka jiraane, miyaanu xaqu innaga ina qaban mise caadifadeena ayaa ka xoogweyn cadaaladda?. Waliba xilalakaas %60 beeshaada ayaa haysa marka Isaaqa kale laga tago.

“Madaxweyne: Alle SWC wuxu ku yidhi Qur’aankiisa gaar ahaan Suuratul Baqra: Ayaad macnaheedu yahay “Ma dadka ayaad wanaaga faraysan, nafihiinana waad ilaawaysaan idinkoo akhrinaaya kitaabka miyaydaan caqli lahayn “.. Hadda hadalka Madaxweyanaha ayay aayadaasi qabanaysa..
Khilaagka Wasaaradda Warfaafinta

Haddaba yayaynaan Hablaha ka oohine aynu innagu wax isku hagaajisano.

Tusan.

Muniir Axmed Cigaal ..

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.