Khilaafka Gaas & Camay Oo Wali Taaggan

0
787 views
Khilaafka Gaas & Camay Oo Wali Taaggan
Gaas iyo Camay

Khilaafka Gaas & Camay Oo Wali Taaggan

Garoowe(Sayruuq) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo madaxweyne xigeenkiisa Cabdixakiim Camay waxa u dhexeeya khilaaf si weyn loo dareemay oo soo jiitamayay ilaa labadii bilood ee u dambeeyay waxaanay taasi sii shaac baxday markii shalay madaxweyne Gaas oo ku soo laabtay Garoowe uu soo dhawayntiisa ka muquurtay kuxigeenkiisa Mr Camay.

Warbaahinta Garoowe Online ayaa ku warrantay in ay ogaatay in aanay bilihii u dambeeyay wax kulan ah yeelan Gaas iyo Camay, islamarkaana bishii la soo dhaafay ergayga Qaramada Midoobay Michael Keating oo Garoowe tagay gurigiisa kula kulmay Mr Camay. Camay ayaa ergayga ka ashkateeyay Madaxweyne Gaas laakiin, arrintaasi faraha ayuu ka laabtay Mr Keating oo sheegay in uu hadda u socday xiisadda Tukaraq ka taaggan.

Khilaafka labada masuul ayaa la sheegay in uu ka soo bilawday markii xukumadda Farmaajo iyo Imaaraadku isa seegeen. Camay ayaa la sheegay in isaga iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaammadiisa Sool ay la safteen Muqdisho, halka Gaas la safan yahay Imaaraadka. Sidoo kale Camay oo si weyn u danaynaya in Puntland dagaal ku qabsato gobolka Sool ayay arrintaasi ku kala aragti duwan yihiin Cabdiwali Gaas.

Warbaahinta Garoowe ayaa sheegaysa in labadan masuul mid walba dhankiisa xidhiidh ula leeyahay madaxtooyada Muqdisho, islamarkaana aanay arrimaha taaggan ka wada tashan Karin. Waxay intaasi ku dartay in aanu Gaas isku hawlayn xallinta khilaafkan maaddaama doorashada ay ka hadhay wakhti kooban oo 6 bilood ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here