Khilaaf Ka Taaggan Jaziirad Somaliland U Dhaw Oo Ciidamo Imaaraad Ah La Keenay

0
756 views
Khilaaf Ka Taaggan Jaziirad Somaliland U Dhaw Oo Ciidamo Imaaraad Ah La Keenay

Khilaaf Ka Taaggan Jaziirad Somaliland U Dhaw Oo Ciidamo Imaaraad Ah La Keenay

Telefishanka Aljazeera ee fadhigiisu yahay Qadar ayaa dagaal ba’an kaga jira joogitaanka Imaaraadka ee Jaziiradda Socotra oo dalka Yemen maamulo kuna taalla badda Bariga ka xigta Geeska Afrika.

Khamiistii ayaa ciidamada Militariga ee dalka Imaaraadka oo ilaa afar diyaaradood sidaan la keenay Jaziiradda oo ay ku nool yihiin ilaa lixdan kun oo qof dhul ahaana lagu qiyaasay in ku dhaw 3,796km2 waxaana la sheegay in calanka Imaaraadka, magaca iyo sawirka hoggaamiyaha Imaaraadka lagu arkayo jaziiradda.

“Jaziiraddu waxay ku taalla xeebta Somaliland, halkaas oo Imaaraadku maalgalin culus ku sameeyay dekedda ganacsiga ee magaalada Berbera.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinaha telefishanka Aljazeera.

Telefishanka Aljazeera iyo warbaahinta Soomaaliya oo warbixinihiisa xiganaya ayaa si qaawan u weeraraya dawladda Imaaraadka oo ay ku eedeeyeen in ay si sharci darro ah u qabsatay dhul ka mid ah Yemen, islamarkaana ujeedadeedu tahay in ay balaadhiso awooddeeda Militari ee Geeska Afrika iyo carrada Carabta.

Xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyaan oo dhinac ah iyo xulufada Qadar iyo Turkigu hoggaamiyaan oo ay isku aragti yihiin Iiraan ayaa ku loolamaya awoodda gobolka Geeska Afrika iyo waddamada Carabta waxaanu loolanku saamayn xooggan ku leeyahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Somaliland.

Source: UAE forces ‘occupy’ sea and airports on Yemen’s Socotra

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here